Dhaqdhaqaaqyada xasaasiga ah ee Xasan Sh, qorshaha mucaaradka & maxaa ka run ah Turkiga?
Dhaqdhaqaaqyada xasaasiga ah ee Xasan Sh, qorshaha mucaaradka & maxaa ka run ah Turkiga?
Dhaqdhaqaaqyada xasaasiga ah ee Xasan Sh, qorshaha mucaaradka & maxaa ka run ah Turkiga?
Villa Somalia waa caaboon tahay, Inta ay dood siyaasadeed miiska geynayso waxaa ka sareeya hadda cudad muujinta, Hay’addaha amniga gaar ahaana kuwa u darban amarada madaxweynaha ayaa u hanjabaya madaxda mucaaradka, Howlgal loogu magac-daray sareynta sharciga & hub ka dhigis ayaa laysku garab wadaa, waana aag xasaasi ah oo ay dhinacyo badan shaki ka qabaan waxa ka dhalan kara, dowladdu waxay sheegaysaa in ay awood ciidan ay kaligeed ku ahaanayso Muqdisho, Turkidu waxay wadaan dadaal ay ku baadigoobayaan in ay magacooda uga dhexsaaran ku milankooda siyaasadda gudaha, cabsi ayay muujinayaan, laakiin isku muujinta dhexdhexaadnimada waxaa ka sareeya ficiladooda garabka siinaya dhinaca madaxweynaha mudo dhaafka ah.
Isku day kasta oo lagu doonayay in madaxweyne Xasan Sheikh lagu qanciyo aqbalka doorasho laysla ogol yahay ma guuleysan ma muuqato, in kahor inta ay idlaanayaan mashruucyada Villada ee Baydhabo, Jowhar ilaa Dhuusamareeb uu aqbalo galka doorashooyinka, waana halka ugu weyn ee ay mucaaradka si weyn ugu dhagran yihiin.
HUB KA DHIGIS & MISE SUGID AMNI!
SIda aan tabinay bilowgii bishii April, madaxweyne HSM ayaa amray in dhammaan ciidamada koofiyad casta loo yaqaano laga dhexsaaro saraakiisha Iyo askarta aan lagu qabi karin kalsoonida u dhimashada xukun sii joogidiisa, waana lafuliyey go`aankan, xubnaha mucaaradka ayaa sheeda ka daawanayey, waxayna u arkayaan dhayalsi talaabo kasta oo awooda ciidan ee garabka madaxweynuhu ku aruursanayay, ficiladeeda ayaa hadda la arkay.
Awood xoogan ayay Villa Somalia u isticmaashay la wareegida hub yaalay xaafado kamid ah Waqooyiga Muqdisho, waxaan aaan shaki laheyn in gaadiidka dagaalka laga qaaday xubno taageersanaa doonista madaxweynaha oo ay xataa ku jiraan saraakiil furimaha dagaalka jirtay, lama cafin lamana ogolaan in ay hub sii haystaan, sababaha rasmiga ah ee halkan looga gol leeyhaay Tafsiirka loo hayaa waa in HSM si cad u go`aansaday in hub uu maamulo oo kaliya casumada laga helo.
Waa sii haysashada xukunka & isku diyaarinta boqornimo siyaasadeed oo uu Xasan Sheikh maxamud u sheegay saaxiibadiisa gaarka ah in uu uga adkaanayo siyaasiinta ay xisaabta qoondada wadaagan, waana halka ugu weyn ee todobaadyada soo socda la faaleyn doono, bilo kahor ayuu isku diyaarieyy howlgalkan madaxweynuhu, laakiin mucaaradkiisa ayaa u arkayay dhalanteed iyo waaqaca go`aan aan heshiis laheyn, walaw mudo kororsiga hadda laga gudbay ka doodiisa, lana aaday ku loolanka yaa hub heysanaya, madaxtooyada ayaana ku adkaatay in ay meesha ka saarto doodii mudo kordhinta oo hadda hooseysa ka hadalkeeda.
Falanqeeyayaasha ka madax banaan 2da dhinacba waxay sheegayaan in madaxweyne HSM hadda uu doonayo in uu si fudud uga baxsado mucaaradkiisa siyaasadda ee kusugan Muqdisho, uuna isku arko in uu Boqornimo waarid ah isku diyaarin karro, haddii uu wada qaato hubka caasumada iyo Shabeelaha Dhexe yaala, balse waaqaca ayaa aad u xadidaya doonis kasta oo dhinaca Villada ah, qaar kamid ah xogaha la hayo waxay sheegayaan in madaxweynaha ka go`an tahay sii joogid xukunka ilaa waqti aan la aqoonin, iyadoo la marayo doorashooyin lamid ah kuwa ka dhacay dalalka deriska ilaa kuwa wadaayga la yahay HSM, Tabin kale ayaan ku eegaynaa waa nooca sii joogida & doorasho ee Villa Somalia ay rabto.
MA AQBALI KARAAN HUB DHIGID MUCAARADKA!
Weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxweyne hore Shariif Sheikh Axmed & RW Xasan Cali Kheyre ayaa si cad u muujiyey doonista madaxweyne HSM ee ah kala adkaansho xoog ah baadigoob, haddana waxaan shaki laheyn in aysan xubnahan ku qancin aqbalida damaca saaxiibkoodii shalay, ayna aadeen dhabaha ay uga jawaabceliyaan dhacdo kasta oo horey loogu geystay, waxayna xoog iskugu diyaarinayaan in ay qaadan talaabooyin muuqda oo saameyn reebaya, iyagoo garwaaqsaday hadda in HSM awooda iyo xooga maciin bidey oo uu isku arkayo hoggaamiye sii adkaanaya, iyana taas ay ka dabaaqtamayaan.
Dad badan ayaa rumeysan in wali hubka xoogan ee gacmaha siyaasiinta ku jira ilaa dhexgalka laamaha amniga ay madaxda mucaaradka awood u leeyihiin, sidoo kale taabashada dareenka beelaha ay tahay halis weyn oo dhanka Villada ku dhacaysa, mucaaradka hiil u noqonaysa, Todobaadkan taageerayaal cusub ayay heli doonaan mucaaradka sababtoo ah danqinta boogaha qabaa`ilka ayaa markale soo muuqanaya, taas oo ka dhignaanaysa in mashruuc kasta oo ay Shariif & Kheyre taageero ku heli karaan uu kordhayo, iyadoo shaqadana ay Villa Somalia qabanayso.
DADAALKA TURKIGA ILAA DHAQAN!
4ta xubnood ee kasocota Sirdoonka Turkiga ayaa u muuqda in aysan wali quusan, laakiin kalsoonida dhexdhexaadnimo ee ay mucaaradka ku qabaan ayaa hooseysa, odayaal dhaqan oo horey dhexgal u sameeyy iyana cabsi badan ayay sheegayaan, sababtoo ah dhinacyada oo dhan ayaa sheegaya in madaxweyne HSM si cad u aaday dhabaha in uu saami qeybsigiisa uga adkaado Muqdisho, oo ay shibil noqdaan jeediyaana doodo uun, taas oo ay aad u adag tahay waqtigan.
Dadaal mayara, ganacsatada ayaa door xoog leh riixaysa in aan lagu socon jidka xooga oo mucaaradka loo adeegsanayo, waxayna shegayaan in dhabahaas laga dhaxlayo halis weyn oo maanta laga baaqsan karro, haddana madaxweynaha laguma qancin karro ilaa hadda aqbalida in mudo xileedkiisa dhamaaday, loona baahan yahay in doorashooyinka laga heshiiyo.
UGU DAMBEYN: Dhinacna ma jiifan oo ma xaqiiqsan in doodiisa laga adkaaday, Muruqa labo suule ayay joogtaa, koox kastana teeda in ay xaqiijisanayso ayay si cad u sheegaysaa, gaar ahaana mucaaradku waxay yaqiinsadeen in HSM xooga aaday, iskuna diyaariyaan iyagoo sameynaya talaabo kasta oo ay awood u leeyihiin, waana halkjan goobta xasaasiga ah ee cabsida badan abuuraysa.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.