Skip to main content

Jabuuti/News

IGAD oo maalmo adag wajahaysa & Loolanka cusub

JABUUTi(GAYLAN MEDIA) - Todobaadkan gudihiisa hoggaamiyayaasha Urur gobaleedka IGAD ayaa ku kulmaya Jamhuuriyada yar ee Jabuuti, oo ay kaabiga ku hayaan kooxda Xuutiga, waxayna ka arrinsanayaan mustaqbalkooda xili ay kala aragti yihiin, dhexdooda is dagaalayaan, sidoo kalena lagu guuldareystay maareynta marxaladaha dalalka gobalkan dhexdooda ka furan, kuwaas oo ay ku jiraan colaada Suudan, xariirka Eritrea, Jabuuti & Itoobiya oo tobanaan sano kala tagsan.

Super Admin·yesterday·3 daqiiqo akhrin4001
IGAD oo maalmo adag wajahaysa & Loolanka cusub
Todobaadkan gudihiisa hoggaamiyayaasha Urur gobaleedka IGAD ayaa ku kulmaya Jamhuuriyada yar ee Jabuuti, oo ay kaabiga ku hayaan kooxda Xuutiga, waxayna ka arrinsanayaan mustaqbalkooda xili ay kala aragti yihiin, dhexdooda is dagaalayaan, sidoo kalena lagu guuldareystay maareynta marxaladaha dalalka gobalkan dhexdooda ka furan, kuwaas oo ay ku jiraan colaada Suudan, xariirka Eritrea, Jabuuti & Itoobiya oo tobanaan sano kala tagsan. Soomaaliya, waxay shirkan ka doonaysaa in la taageero damaceeda la xariira doorashooyin qof iyo cod ah oo aan haysan Heshiis siyaasadeed, sidaas oo kalena howlgalka AUSSOM ee ciidamada Midowga Afrika lagu taageero in kulanka loo dhan yahay ee QM kahor la cadeeyo in Soomaaliya aan laga tagi karin oo ay tahay in waqtiga howlgalkana la kordhiyo, dhaqaalena lagu bixiyo, taas oo ay horey uga heshay Midowga Afrika. Madaxweynaha meertadan hoggaanka hayay Ismaaciil Cumar Geelle oo ah martigaliyaha ayaa sidoo kale la kulmaya loolan ah in hoggaaminta laga wareejiyo, iyadoo ay dalalka gobalka diidan yihiin sii hogaamintiisa oo ay qaarkood ka dhex arkaan in uu Ururka uga faa’iideystay dhabo aan sax aheyn. Itoobiya & Kenya ayaa dadaalkooda iskugu geynaya sidii hoggaaminta u qaadan lahayd dhinaca Kenya meertadan, taas oo aysan Jabuuti & Soomaaliya hadda dooneyn, sida ay xaqiijinayaan macluumaadka laga helayo gudaha Ururka. Madasha ayay hareyn doonaan doodaha Sudan oo lagu tagsan yahay, Addis Ababa, Nairobi & Kampala ayaa qaba in arrinta Sudan sida loo maareeyey ay ka sareyso filashadii la qabay, ayna Jabuuti & Soomaaliya ka eegeen xagasha la xariirta danahooda gaarka ah oo ay garabsiiyeen mid kamid ah garabyada dagaalamaya. Hadda loolanka ugu weyn ayaa noqon doona cida hogaaminaysa IGAD, taas oo ay dowladda Faderaalka Soomaaliya u aragto in haddii Geelle baxo ay u tahay dhimasho aan soo kabasho laheyn, laguna qasbi doono wax aysan raali ka aheyn.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.