Skip to main content
DEG DEG

Duqeynta Doolow & Jen Shub

Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday Doolow, iyadoo la beegsaday guriga Jen, Mahad Cabdiraxmaan oo soo noqday Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaalia 2 jeer, mudane baarlamaan & Sodoga madaxweyne Laftagareen, waxaana ay tani sababtay dhaawacyo soo gaaray isaga & Xaaskiisa sida ay wararku sheegayaan. Dowladda Faderaalka ayaa inkirtay durba in ay duqeynta ka dambeysay, Laakiin Jubbaland oo deegaankeeda la weeraray ayaa ku eedeysay Federaalka iyo Turkida in ay ka dambeeyeen duqeyntan. Ilowareedyo sugan oo madax banaan ayaa xaqiijinaya in ay diyaarad Drone ah labo gantaal kudhufatay abaare 11:49PM saqdii dhexe guriga oo kuyaala gudaha magaalada Doolow oo dhacda xadka ay wadaagan Soomaaliya & Itoobiya, iyadoo ay sawirada la helay muujinayaan burbur baaxad leh.

Baahin Bilow ah · 8 days ago

Cusbooneysiin toos

  1. 8 days ago09:45 GMT

    VILLA SOMALIA wey beenisay.

    Dowladda Faderaalka ayaa inkirtay in ay ka dambeysay duqeyntii Doolow, waxayna sheegtay in sababtu ahayd gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu diyaarinayay guriga Jen Mahad Cabdiraxmaan ee magaalada Doolow in uu qarxay, iyadoo sheegtay in ay baaritaan arrintan ku ogaatay, sida ay xoguhu sheegayaan.

  2. 8 days ago09:44 GMT

    Baarlamaanka xorta ah oo eedeeyey Turkiga duqeynta awgeed

    Xildhibaanada BFS garabka labaxay golaha xorta ah ayaa cambaareeyay cambaaraynta faragelinta dowladda Turkiga ku haysato arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaana duqeymaha Doolow, Puntland iyo mucaaradka Muqdisho.

    Turkiga ayaa diyaaradaha F-16 iyo kuwa aan duuliyaha laheyn si buuxda u geeyey Koonfurta Soomaaliya, iyadoo u adeegsanaysa taageerida xukun dhaafka madaxweyne Xasan Sheikh.

    Xildhibaannadu waxay sheegeen in ficilada Turkigu ay Soomaaliya gaarsiinayaan heer aan soo kabasho laheyn, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta.

  3. 8 days ago09:43 GMTSoomaaliya

    Jubbaland ayaa ku eedeysay duqeyntii Doolow Turkiga in ay fuliyeen

    Jubbaland ayaa si toos ah ugu eedeysay Turkigu in ay fuliyeen duqeyntii xalay ka dhacday degmad Doolow ee gobalka Gedo, ayna ku sheegeen fal bahalnimo & waxuushnimo heerkii ugu hooseysay gaaray. Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in ficilada Xasan Sheikh & Turkiga oo dhabarka kuwadata ay halis ku yihiin daganaanshaha dibu kabashada & mustaqbalka Soomaaliya.

    Turkiga ayay ku eedeysay Jubbaland in uu qaadayo talaabooyin aan caadi aheyn oo toos u dhaawacaya wadajirka, amniga dalka Iyo daganaanshaha guud, taas oo loo baahan yahay in loo midoobo.

  4. 8 days ago09:39 GMT

    Maxaa loo adeegsaday Duqeynta Jen Shub

    Sawirro cusub oo laga soo qaaday goobta lagu weeraray hoyga Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan "Shub," oo labo jeer soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya, ayaa muujinaya baaxadda burburka ka dhashay duqayn dhanka cirka ah oo xalay lagu beegsaday.

    Falanqayn dhanka amniga ah oo lagu sameeyay burburka dhismaha, firirka ku yaalla derbiyada & walxaha la helay ayaa muujinaysa in weerarka loo adeegsaday gantaalka nooca MAM-L (Laser-Guided), oo ay qaaddo diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB2 ee dowladda Turkigu ku taageertay Soomaaliya. Nooca gantaalka la adeegsaday iyo walxaha la helay ayaa muujinaya in MAM-L (Smart Micro Munition) oo hagid toos ah leh, kahorna qalab la dhigay agagaarka bartilmaameedka tooska ah, culeyskiisuna yahay 22 kg, kaas oo burbur baahsan keenay sida sawirada ka muuqata.

    Burburka ama khasaaraha ka muuqda hoyga la weeraray ayaa si cadeynaya adeegsiga gantaal si sareysa ay u hageysay tiknoolajiyadda casriga ah ee loogu talagalay bartilmaameedsiga tooska ah, si gaar ah qolka hoyga u ahaa Jen, Mahad Cabdiraxmaan "Shub" taas oo ka dhigan in hagid buuxda ay jirtay.

Dhammaan Wararka