2 days ago09:38 GMT
SHABEELAHA HOOSE oo ay ciidamada AUSSOM ka baxayaan!
Afar kamid ah rugaha gobalka Shabeelaha Hoose & Saldhigyada waa weyn ee ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ayaa la qorsheynayaa in 2da todobaad ee soo socda dhimis xoogan iyo bixitaan ay ka sameeyaan ciidamada AU.
Sida ay Gaylan Media u xaqiijiyeen ilowareedyo wargal ah goobaha ugu muhiimsan ayaa noqon doona afar aag oo xasaasiyad weyn u leh daganaanshaha caasumada ilaa magaalooyinka muhiimka ah ee gobalka, iyadoo ay dowladda Faderaalkuna ciidamado kusoo daabulayso.
Baraawe oo ah caasumad gobaleedka Koonfur Galbeed, aanse lagu shaqeynin ayaa ka mid noqonaysa goobaha ugu horeeya ee laga guurayo, Shalanbood ilaa Caanoole ayaa qeyb ka ah qorshaha cusub, iyadoo marba qeyb ay bixi doonto.
Howlgalka Midowga Afrika ayaa haysta 12 bilood oo bixitaan ah, kaas oo dhaqaale ahaan aan loo haynin, waxaana daganaansho la`aanta siyaasaddu ay keentay burburka ku yimi geedi socodka dhinaca amniga ah, iyadoo howlgalkii Leego uu wali dhaqaaqi la`ayahay wixii ka dambeeyey markii ciidanka dowladda dib loo riixay.
Machadka Daraasaadka Amniga ee Balqiisa Insights ayaa ka digay in xil-wareejin degdeg ah oo dhinaca amniga ah ayna sameeyaan ciidanka Midowga Afrika ay ka dhalan karo firaaq amni, taas oo ay ka faa'iideysan karto kooxda AS, gaar ahaan meelaha ay kooxdu isku dayayso inay dib ugu xoogaysato ee gobalka Shabeelaha Hoose.
"In ciidamada Soomaaliyeed lagu wareejiyo masuuliyado amni oo ka badan awooddooda hawlgal iyo taageerada ay haystaan waxay halis gelin kartaa guulihii laga gaaray dagaalka AS, dib-u-dhacyadii amni ee dhacay sannadkii 2025, gaar ahaan deegaanno horay looga wareejiyey ciidamada ATMIS, ayaa muujiyey in la wareegidda deegaan aysan keligeed ka dhignayn in amnigiisa la sugi karo"ayaa lagu yiri warbixinta Machadka Balqiisa soo saartay.