Skip to main content
DEG DEG

Dagaalka Puntland Vs Villa Somalia

Dowladda Federaalka waxay doonaysaa in ay abuurto colaad hubeysan oo yoolkooda uu yahay in ay Puntlan dumiso, laakiin dhanka Garoowe ayaa ka dagaalamaya arrintan, ciidamo badan ayaa hadda la geeyey Gaalkacyo, PL ayaa maalmo kahor la wareetay gaadiid dagaal oo kasoo baxay Boosaaso.

Baahin Bilow ah · 2 months ago

Cusbooneysiin toos

  1. 8 days ago09:33 GMT

    Jubbaland ayaa ku eedeysay duqeyntii Doolow Turkiga in ay fuliyeen

    Jubbaland ayaa si toos ah ugu eedeysay Turkigu in ay fuliyeen duqeyntii xalay ka dhacday degmad Doolow ee gobalka Gedo, ayna ku sheegeen fal bahalnimo & waxuushnimo heerkii ugu hooseysay gaaray. Jubbaland ayaa ku dhawaaqday in ficilada Xasan Sheikh & Turkiga oo dhabarka kuwadata ay halis ku yihiin daganaanshaha dibu kabashada & mustaqbalka Soomaaliya.

    Turkiga ayay ku eedeysay Jubbaland in uu qaadayo talaabooyin aan caadi aheyn oo toos u dhaawacaya wadajirka, amniga dalka Iyo daganaanshaha guud, taas oo loo baahan yahay in loo midoobo.

  2. 8 days ago09:32 GMTDagaalka DRONE-ta

    DEG DEG: Jen Shub ayaa diyaarad Drone ah lagu weeraray.

    Ilowareedyo dhinaca amniga ah ayaa xaqiijinaya in duqeynta lagu weeraray Jen, Mahad Cabdiraxmaan "Shub," oo horey u soo noqday Taliyaha asluubta Soomaaliya 2 jeer, lagu fuliyey mid ka mid ah diyaaradaha drone-ta ah ee ay Soomaaliya u keentay Turkida in loo adeegsado la dagaalanka argagixisada, balse ay hadda muuqata in loo weeciyey kala aragti duwanaanta siyaasadda.

    Talaabada ayaa ka dhigan xaqiiqo ahaanshaha xogo soo baxayay bilihii u dambeeyey oo lagu eedeeyey Turkidu ay si buuxda qeyb uga noqdeen loolanka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaana is-heynta dhinacyada dalka & muranada Soomaalida dhexdooda yaalay oo ay kafada hal dhinac xoojinayso. Turkida ayaa si buuxda ugu bareertay in ay jid kasta u qaadayso sidii ay u difaaci lahayd hanaan xukunka madaxweynaha mudo dhaafka ah ee Xasan Sheikh & damacyadiisa siyaasadeed, tan oo qasab ka dhigaysa dib u eegista hanaanka amniga ee Soomaaliya oo ay khatar weyn ku soo korortay.

    Jen, Mahad Cabdiraxmaan, Marwadiisa & 2 kamid ah qoyskiisa ayey soo gaareen dhaawacyo fudud, iyadoo Taliyaha si gaar ah u qabo firir dhinaca wajiga ah, iyadoo hadda lagu dabiibayo xarun amnigeeda la sugay oo ay leeyihiin ciidamada Jubbaland ee kusugan magaaladan.

  3. 15 days ago10:53 GMT

    Cunaqabateyntii Doolow oo lasoo afjaray

    2 Sano ka dib, Dowladda Faderaalka ayaa kuqasbanaatay furitaanka garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow, iyadoo duulimaadyada ugu horeeya la qorsheynayo in ay berri u safraan Doolow, taas oo uga dhigan shacabka deegaanka ay ku xirmi doonaan Soomaaliya & dunidaba.

    Maamulka degmada Doolow ayaa horey si adag u diiday in ay garab-maraan nidaamka Jubbaland oo ay dowladda Federaalka aadaan, xilli ay Villa Somalia doonaysay in ay gobolka ka dhigato goob ay ku cadaadiso dhinaca Kismaayo.

    Xubnaha deegaankan kasoo jeeda ee kujira DFS ayaa 2dii sanno ee lasoo dhaafay ku fashilmay u qareemida dadka iyo deegaanadan Daawo ee muhiimka ah, dadaalo ay garwadeen ka noqdeen dalal Shisheeye oo ay dowladda Faderaalka ka baadigoobtay in ay degmadan la wareegto ayaa ugu dambeyn fashilmay.

  4. 15 days ago10:52 GMT

    Puntland oo Shisheeye & Dowladda Faderaalka ku eedeysay maalgalin Burcad badeed.

    Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo xalay ka hadlayay Garacad ayaa sheegay in aan la aqbali karin in xeebaha Puntland, gaar ahaana gobalka Mudug oo ay kasocdaan mashaariic waa weyn oo horumarineed la suura xumeeyo, iyadoo ay Dalal Shisheeye dano ka leeyihiin, lana diidan yahay in ay Garacad hantida suuqa ugu weyn geeska Afrika ee Itoobiya, ayna hadda diyaariyeen cutubyo ciidan ah oo deegaan ka dhigan doona, si ay ula dagaalamaan isku dayada Burcad badeeda.

  5. 15 days ago17:07 GMT

    Puntland oo Burcad badeednimada kusifeysay Ujeedo siyaasadeed

    Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay magaalada Garacad ayaa ku dhawaaqay in talaabo adag laga qaadayo falalka sumcad dilka xeebaha PL ee Burcad Badeednimada oo uu sheegay in ay tahay maalgalin meelo kale kasocotay, oo ujeedooyin guracan ay dhinacyo is-huwan ka leeyihiin.

    Deni ayaa si cad u sheegay in lagu diimi doono Burcad Badeednimo, isagoo fariin digniin ah udiray dadka ku howlan oo uu sheegay in ay wali fursad ay kaga baxaan haystaan, kahor inta aan howlgal lagu qaadin.

    "Dhalinyarada meelaha kale laga soo abaabulay ee shilimaadka loo sawiray, iyadoo ujeedada ku hoos jirta aan loo sheegin fariin baan u dirayaa waqti baa wali idiin furan aad kaga laabataan, gacan adag baa saaraynaa" ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

  6. 23 days ago16:00 GMT

    Qodobo hortabin leh ayaa laga hadlay

    Ilaa hadda Natiijo fiican lama hayo.

  7. 23 days ago15:43 GMT

    HSM ayaa ka huleelay Gaalkacyo

    Madaxweynaha ayaa ku dhici waaay tagida Waqooyiga oo uu joogo madaxweynaha Puntland

  8. 23 days ago12:32 GMTSoomaaliya

    Xasan Sheikh ayaa tagay Koonfur Gaalkacyo

    Puntland ayaa si adag u diiday in uu dhanka Waqooyiga yimaado.

  9. 27 days ago17:06 GMTSoomaaliya

    Puntland ayaa xirxirtay ciidan jid xirtay

    Puntland ayaa xirxirtay ciidan jid xirtay

  10. 27 days ago17:04 GMTSoomaaliya

    Ciidamadii ayaa gabi ahaanba la galiyey nidaamka habeynta ee Puntland

    Ciidamadii ayaa gabi ahaanba la galiyey nidaamka habeynta ee Puntland

  11. 27 days ago17:03 GMT

    Ciidamadii ayaa gabi ahaanba la galiyey nidaamka habeynta ee Puntland

    Ciidamadii ayaa gabi ahaanba la galiyey nidaamka habeynta ee Puntland

  12. 27 days ago16:07 GMTSoomaaliya

    Puntland oo burburisay Federaalka

    Gobalada Barri, Mudug, Nugaal iyo Karkaar waxaa kasoo dhammaatay sheego kasta oo ahayd Federaal baa wakiil iyo ciidan u nahay, taas oo kadhigan in qorshe kasta oo madaxweyne Xasan Sheikh oo laga taabsaday ay soo idlaatay.

    Ismadoobeyn la xariirta awood sheegashooyin ayaa idlaatay iyana, xubnaha qaarkood ayaan kuqanacsaneyn talaabooyinka hayeeshee waaqaca ayaa maquuniyey.

  13. 2 months ago16:05 GMT

    DEG DEG: Kenya ayaa dalkeeda hadda ka celisay wasiiru dowlaha Villa Somalia

    Abshir Bukhaari oo ahaa wasiiru dowlaha madaxtooyada, ahaana miid kamid ah Wasiirada idman ee ugu dhow MW Xasan Sheikh, kalana yimid UPD-dii hore ayaa laga soo ceshay garoonka diyaaradhaa ee magaalada Nairobi

  14. 2 months ago16:02 GMTDastuurkii 2012

    Hassan Sheikh Mahamoud oo ku dhawaaqay sharciyadda dastuurkii 2012

    Hassan Shikh ayaa garwaaqsaday sharciyadda Dastuurkii 2012 ee heshiiska lagu ahaa

  15. 2 months ago09:19 GMTGarowe

    Kulan ka dhaca Garowe!

    Kula ka dhaca Garowe lagu balamay oo lagu lafo guro dhamaan qodobada dhiman

Dhammaan Wararka