Skip to main content
DEG DEG

Xaaladda oo ku cakiran Villa Somalia

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa dhexda uga jira cakirnaan siyaasadeed iyo mid amni oo aan caadi aheyn, laga soo bilaabo jabkii Leego dowladda ayaa isku dhex daatay, duulaankii Koonfur Galbeed lagu qaaday bilowgii sannadkan ayaa dhalay mahadhooyin aan caadi aheyn. Madaxweynaha ayaa 2 kamid ah xubnaha hay'addaha ammaanka u diray mucaaradkiisa si ay kulamo ula yeeshaan, hayeeshee natiijo wali kama soo bixin, Laxanka qabaa'ilka ayaa si weyn loo isticmaalay, iyadoo madaxweynuhu ku beerlaxawsanaya dhinacyadii uu maalmo kahor sheegay in aan talo looga baahneyn. AUSSOM ayaa ciidamadeeda bilowday in ay la baxdo, Uganda ayaa 2,500 tiro ka badan kasoo saartay difaacyada Shabeelaha Hoose oo muhiim ah, taas oo jihada amniga ee caasumada iyo difaacyadeeda wax badan ka bedeshay. Puntland & Jubbaland ayaa si aan gabasho laheyn u diidan mashruuca doorasho iyo jihada siyaasadeed ee Villa Somalia, waxayna sheegeen in aysan aqbali doonin doorashooyinka nooca ay dowladdu baadigoobayso ee ay tahay in talada miiska la saaro, habracyadana banaanka laga dhigo madaxda mido dhaafka ah.

Baahin Bilow ah · 7 hours ago

Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Cusbooneysiin toos

  1. 2 hours ago09:43 GMT

    XSM oo galaya Marxalad is aruuris siyaasadeed, hadalkana bedelanaya!

    Madaxweyne Xasan Sheikh oo todobaadyadan isku sawiraya in uu dhexda uga jiro marxalad amakaag leh oo siyaasadeed ilaa amni, 3 dagaal oo uu qaaday "JL, PL & KG" guuldarro ka joogo ka dib ayaa Jowhar & DhuusaMareeb kaga tiraabi doona erayo kahooseeya kuwii uu sannadihii hore sheegi jiray ee ahaa "Cidna loo joojin maayo & talada dhex lama dhigayo".

    Hayeeshee, MW Xasan ayaa wajahaya sharuudo cusub oo soo bixi doona todobaadyada soo socda, Haddii-ba lagala hadlayo cutub doorasho ayna ka mid yihiin shaacinta in waqtigisii dhammaaday, Kala guur lagu jiro, Dowladuna xil-gaarsiinta tahay oo aysan awoodo laheyn, hanaanka fulin doorashana gacantiisa aan lagu aamini karin.

    Xubno ku dhow madaxweynaha ayaa u sheegay Gaylan Media in shalay wada hadal ka dhacay madaxtooyada, Xasan Sheikh markii 1aad 4tii sanno ee lasoo dhaafay u yeertay wasiirkiisa koowaad iyo xubno kale oo arrimaha doodihii doorashooyinka la ogaa, iskuna sawiray in uu waaqac soo fahmayo,balse dadka siyaasadda lasocda ayaa kusifeynaya waqti iibsi cusub

  2. 4 hours ago07:11 GMT

    Villa Somalia oo codsi u dirtay AUSSOM, maxaase looga jawaabay?

    Sida ay ogaatay Gaylan Media dowladda Faderaalka ayaa ka codsatay howgalka ciidan ee AUSSOM in ciidamadooda degan saldhiga kuyaala deegaanka Buula-Nageey oo ku dhow Lambar 50 Shabeelaha Hoose aan waxba laga bedelin, ciidana laga soo qaadin, laguna darin qeybaha ay taabanayso dhimitaanka ciidamada Uganda.

    Saldhigan ayaa ka mid ah meelaha kaabiga ku haya caasumadda Muqdisho, qorshaha amni Qaansada Xamar ama aaga muhiimka ah Turkidu u bixiyeen ayay kamid tahay goobtan, waana wajiga 2aad ee ay tahay in ciidamada dowladda & AUSSOM ay kadhigaan aagag difaac oo xasaasi ah.

    Tani, waxay ka dhigan tahay in dowladdu hadda quus ka joogto in gobalka Shabeelaha Hoose, gaar ahaana agagaaraha muhiimka ah aan loo haynin maareyn kama dambeys ah, xili ay taliyayaasha ciidamadu dalbanayaan in la kordhiyo karaanka ama awoodda ciidamada DFS ee kusugan Balidoogle ilaa Baraawe, iyadoo Sabiib iyo Caanoole ciidan dheeraad ah iyo hub loo dalbay, sida kuqoran cadeymo ay heshay Gaylan Media.

  3. 7 hours ago04:18 GMT

    Leego, ka dib Fashilka Villa Somalia

    Sida ay xaqiijinayaan ilowareedyo wargal ah, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa wixii ka dambeeyey weerarkii Leego, welwel iyo walaac soo wajahay ku saleysan dhinaca amniga Iyo markii ay fashilmeen 2 codsi oo uu madaxweynuhu la wadaagay 2 kamid ah hoggaamiyayaasha ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo uu booqday bilihii October iyo September.

    Madaxweynaha ayaa dalbaday in ciidamada Uganda ee 2,000 ah la hakiyo bixidooda, lacagta oo dhinacyadu isku qabteena la xalin doono, iyadoo loo xilsaaray xubno wadajir ah, hayeeshee go`aankaas ayaan meelmar noqon Uganda ayaana ciidamadeeda daad-gureyn ku bilowday.

    Ilaa shalay, dadaalo ay qeybaha amniga ee DF isku dayayeen kuna wajahan in hoos loo dhigo bixitaanka Uganda & bixitaan kale oo ay ka shaqeynayaan 2 kamid ah dalalka ciidamadu ka joogaan ayaa guuldareystay, taas oo kaliftay in kulan saacado dheer ah ay qaar kamid ah Madaxda DFS maanta yeesheen.

    Sidoo kale, madaxweynaha ayaa Muqdisho ugu yeeray qaar kamid ah kooxo siyaasadeedyo aan saami qeybsigiisa aheyn, si ay mucaaradka ka aragtida duwan ugu qanciyaan doonistiisa, kuwaas oo maanta kulamadooda bilaabay.

  4. 7 hours ago04:11 GMT

    Jaha wareerka ka taagan amniga Shabeelaha Hoose!

    Ilo amni oo la hadlay Gaylan Media ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh iyo saraakiisha amniga ay isku fahmi la’yihiin qorshaha dib loogu bilaabayo howlgalka Leego ilaa Buurhakaba, kas oo dhawaan la kulmay dagaal culus oo khasaare ka dhashay, laakiin dowladdu uun qiratay gaadiid burburay.

    Saraakiisha xoogga qaarkood ayaa ku dooday in aysan suuragal aheyn xilligii weerar cusub lagu qaadi lahaa Buurhakaba, karaanka iyo marxaladda deegaanka, iyagoo soo jeediyey in ciidamada loo wareejiyo jiidaha Baraawe, Shalanbood, Sabiib iyo Caanoole oo muhiim u ah amniga Muqdisho.

    Waxay sidoo kale saraakiishu sheegeen in waddooyinka muhiimka ah la gooyey, xaaladaha dhulka iyo cimilada oo aan ku habboonayn dagaal iyo in xogtii hore ee lagu qoray 22kii October ee warqada amarka howlgalkii Banooda oo sheegaysay in aagga ay joogaan 600 oo dagaalame ay ahayd xog been ah oo lagu howlgalay.

    Dhanka kale, xaaladda Baraawe ayaa noqotay arrin cusub oo mudnaan amni leh, iyadoo saraakiishu soo jeediyeen in waqti iyo qorshe gaar ah la geliyo sugidda magaalada Muqdisho.

← Dhammaan Wararka