3 qodob oo JL & PL aysan hadda Hadda ugala heshiin karin Doorashooyin!
MUQDISHO (GAYLANMEDIA)- Dadaal kasta ayaa socday, xogo hordhac ah oo xasaasi ah ayaa kasoo baxay si aragyada dhinacyada wax badan socda.

Is aragyadii Xalane ka dhacay ma dhalin in la gaaro go`aan kama dambeys oo lagu galo doorasho heshiis siyaasadeed haysata, Villa Somaliana waqti xaadirkan uma diyaarsana heshiis ay la gasho dhinacyada ku haysta tubta doorashada, Madaxweynaha mudo dhaafka & kooxdiisa waxay sheegayaan in ay xukunka kusii joogi karaan xoog & xoolo ku filan oo ay haystaan.
Puntland & Jubbaland waa labada dowlad gobaleed ee haysta sharciyad rasmi oo ay kaga hortagi karaan damaca sii joogida xukunka ee madaxweyne Xasan Sheikh, hadda waxaa horyaala 4 qodob oo aan horey sheegnay kala doorashadooda, waana kuqasban yihiin in ay go`aan dhinac u qaataan, waxaase durba soo baxaya in ay jiraan 3 qodob oo ay adag tahay in Xasan Sheikh ay kala heshiiyaan doorasho, iyadoo aan xal loo helin.
Hubanti la’aan midnimo, siyaasadeed & amni ayay Soomaaliya dhexda uga jirtaa, lama yaqaano wax dhacaya dhammaadka sannadkan marka ay joogsato taageerada Mareykanka, xataa madaxda xukunka joogta ma hayaan aragti la xariirta halka loo socdo, tan falkinayaana laftirkoodu kuma qanacsana, dhacdooyinka maalin laha ah ayaa wadajir loo daba socdaa, geedi socodyo ay garwadeen ka ahaayeen wakiilada caalamiga ah waa fashilmeen.
1- Dalka Maxaa u dastuur ah!
2dan dowlad gobaleed, waxay si weyn ugu dhegan yihiin in wax ka bedel kasta oo lagu qabyo tirayo dastuurka dalka ay u baahan tahay heshiis siyaasadeed, 4ta cutub ee ugu waa weyn qadiyadaha ay Soomaaliyada Faderaalka isku raacday isku hayso, ayaa madaxtooyada Faderaalka ay sheegtay in ay ebiday oo ka gudubtay, hayeeshee 2da dhinacba waa diidan yihiin.
Ka hor inta aan laga hadlin doorasho, Jubbaland & Puntland waxaa horyaala maxaa Dastuur u ah Soomaaliya, wallow jawaabtooda ay marar kale duwan kuceliyeen oo ay sheegeen in ay aqoonsan yihiin 2012-kii, haddana Madaxweyne Xasan Sheikh & kooxdiisu taas ma aaminsana tarminta la xariirta in dastuurka cusub u yahay kan doorashada lagu galayo, ayaana qasab ka dhigaya in kahor inta aan cod bixin laga hadlin ay tahay in laga heshiiyo maxaa dastuur ah?

2- YAA MADAX AH OO SHARCIYAD HAYSTA!
In laga hadlo arrimaha la xariira nooca doorasho, waxaa hadda kahoreeya taagan aan jawaabta loo haynin ee Yaa madax ah oo lala kulmaya ama laga heshiinayaa hanaan doorashooyin oo sharciyad haysta, Madaxda dowladda Faderaalka, gaar ahaana xubnaha la doortay oo ah guddoonkii baarlamaamka 11aad ilaa madaxweynaha waa mudo dhaaf aan sharciyad heshiis lagu yahay waqtigan haysan, sida madaxweyne oo mudo dhaaf ah looga heshiin karro doorashadii lagu bedeli lahaa lama yaqaano, Dood la xariirta in la abuuro cid sharciyad loo dhan yahay ama Gole KMG ah oo talada dalka la wareega haysta ayaa sare u kacaysa waqti xaadirkan, Haddii ay dib uga laabtaan Muqdisho wakiilada Puntland & Jubbaland amintan oo heshiis laga gaari waayo wada hadalada aan rajada badan laga qabin ee Muqdisho, waxaan shaki laheyn in ay doodan xoogeysan doonta, ayna adkaan doonto in markale lays kugu yimaado.
Walaw, qaar kamid ah taageerayaasha dowladdu sheegayaan in ay dheef siyaasadood dhankooda u tahay oo ay madaxweynaha ku filan tahay maamulida aaga loo bixiyey Difaaca Qaansada oo ka kooban 2 Shabeelle & Muqdisho, haddana waaqaca dhab kama ah oo waa adag tahay in lasii haysto maqaamka madaxtinimada oo ay hadda wali dowlado badan xeerinayaan dowlad dhiska luudaya ee Soomaalida.
https://youtu.be/T32YP_MhrF4

3- QAAB DHISMEEDKA SOOMAALIYA oo burbura!!
22 sano kahor, horweynta siyaasiinta ayaa isku raacay nidaam federaali ah oo awoodaha kala xadeysan yihiin, dowlad gobaleedyada u madax banaan yihiin maamulida doorashooyinkooda, Puntland & Jubbaland waa agaga kaliya ee tan laga hirgaliyey, sida kuqoran dastuurka KMG ah ee dhinacyada kuheshiiyeen, laakiin Galmudug, Hirshabeelle ilaa Koonfur Galbeed qof kasta oo taga xukunka Villa Somalia ayaa falaad siyaasadeed kusameeya kana qabta maankiisa nooca doorasho ee kusoo dhacda, hadda waa qasab ah in lays weydiiyo, sida ay madaxda dowlad gobaleedyada ku yimaadeen iyo raali ahaanshaha xataa xubnaha mucaaradsan HSM ee hadda kuraacsan ficilada uu deegaankooda ka sameynayo.
5 sano iyo kalkoos ka hor, heshiiskii 17kii September 2020-kii ee lagu go`aamiyey doorashooyinkii dhalay dowladda hadda mudo dhaafka ah ee ay mucaaradkeedu ka baadigoobayaan hanaan heshiis lagu yahay, waxay dhinacyadu ku ebyeen qorshe howleed ay ahayd in ay ka shaqeysto afartii sanno ee lasoo dhaafay dowladda Faderaalka taas oo aan waxba laga qaban, haddana dhacdooyin waa weyn ayaa kusoo biiray saaxada midnimada oo Somaliland Isreal ayaa dal u aqoonsatay, 3 dal oo kalena waa gaareen go`aankan oo kale, amniga dunidu wey joojisay dhaqaalihii ay kubixinaysay ciidanka Afrika ilaa siyaasadduna waxay ku laabatay aagii horey loogu hungoobay, Geeska Afrikana isbedelo aan naxariis laheyn ayaa kasocda daneynta Badda ee Itoobiya, nooca go`aan gaarista ee aduunka, kala irdhowga oo sii kordhaya & habdhaqanka madaxda Soomaalidu waa kaaf iyo kala dheeri qasab ka dhigaysa, in dib loogu laabto qaab dhismeedka Jamhuuriyad Faderaal oo Soomaali isku raacsan tahay.
https://www.youtube.com/watch?v=T32YP_MhrF4&t=8s
UGU DAMBEYN: Siciid Deni & Axmed Madoobe, waxaa horyaala xujo aysan dhinac u dhafi karin madaxooda oo ah halka ay u jiheynayaan bulshadooda oo kasoo doogtay dhibaatadii ay uga tagtay dowlad la’aanta deegaanada qaarkood, kuwaas oo ay wali madaxda Villa Somalia maankooda ka guuxayso sidii ay u soo celin lahaayeen, gaar ahaana madaxweyne Xasan Sheikh oo u rarida ciidamada ee Gedo, Raskambooni ilaa gudaha PL waxay muujinaysaa aragti aan raandhiis laheyn oo horey loogu hungoobay, laakiin laga daalin ka shaqeynteeda, taas oo qasab ka dhigaysa in dib loo qeexo Soomaaliyada laysku raacsan yahay.

Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.