Fashilka gogoshii Xasan Sheek | 4 Sababood & 3 Filasho oo miiska yaalla!
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) – 26kii October Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa iclaamiyey shir wadatashi oo ugu yeeray dhinacyo kale duwan oo muxaafidkiisa ilaa mucaaradka la yaqaano ee horey Shahaadadan u siiyey, dalabka wuxuu ahaa mid aan niyadsami kujirin, sida mucaaradka ay ku doodeen talaabooyin dheeraad ah ayaa la qaaday, kuwaas oo dhammaantood loo arkayay in ay muujinayaan halka Xasan Sheikh uu kujiheysan, afar talaabo ayaa dhacday wixii ka dambeeyey gogoshan la dhigay.
1- JADWALKA DOORASHADA HALA SII WADO!
Walaw madaxweynuhu rayi caamka ku jeediyey in uu yahay hoggaamiye ogol wadahadalka oo mucaaradkiisa masalaha u dhigaya, haddana dhinaca kale wuxuu sii waday geedi socodkiisa doorashooyinka, guddiga doorashada ayuu la kulmay ku amaanay dadajinta howlaha, kuna amray in aan marnaba jadwalka dib looga dhicin, wuxuu booriyey lagama maarmaan tahay in 15ka April wax kasta ay diyaar yihiin oo aan dibu dhac doorasho federaal marnaba la aqbali karin.
Jadwalka shaqo ee madaxweynaha waxaa bishan iyo October foolaad ka ahaa la kulmida odayaasha dhaqanka, in ka badan 15 Odayaal dhaqan oo saxiixayaal xildhibaano ah ayaa la kulmay XSM oo lagu casumay Muqdisho, dhammaantood hal ajende ayay DFS ka lahayd waa in aysan dhexgalin is qabsiga siyaasiinta, damaca Birmadaha ka hor imaanin, iyagana daruufahooda kuxeeran wax laga qabto, Halkan cida doorka lasiiyey waxay ahayd xubno kasocday Somaliland, Puntland & Jubbaland qaarkiid la helay.
2- GO’AANKA PUNTLAND & JUBBALAND!
Walaw xubnaha ku mideysan golaha Mustaqbalka ay ku kala aragti duwan yihiin habka loo wajahayo wada xaajood lala yeesho Madaxweynaha ay mudo dhaaf ka u yaqaanan, haddana mid aan shaki laheyn waa in ay Puntland iyo Jubbaland si cad mawqifkooda siyaasadeed banaanka u dhigteen, madaxda 2da dhinac waxaa laga soo xigtay in ay fahamsan yihiin damacyada madaxweynaha oo ay u arkaan xeelad waqti dhumis aan faa’iido siyaasadeed midna laheyn.
Shaki maleh in 2da dhinac hadda kuqasban yihiin qaadashada go`aana taabanaya mustaqbalka siyaasadeed ee deegaankooda ilaa dalka oo dhan, xubno ku dhow Kismaayo & Garoowe ayaa ku doodaya in casumaada Villa Somalia aysan arkin oo soo gaarin, bale’e ay daalacdeen qoraal lagu baahiyey bogga Facebook, taasna aysan aheyn casumaad ee ay tahay jahawareerin cusub.
Inkasta oo jadwalka shaqo ee Siciid Deni & Axmed Madoobe aysan qorshaha ugu jirin tagida Muqdisho iyo wada hadalo siyaasadeed aan laheyn ahdaaf cad, sida ay kooxdooda sheegayso, haddana dhinaca madasha Samatabixinta ee Muqdisho qaar kamid ah xubnaha golahan ayaa u arkayay in la ajiibo kulanka XSM, waana suuragali weyday ilaa waqtigan.
3- DACWO SIYAASADEED MISE TABLIIQ AAN RUQSAD LAHAYN?”
Qaar ka mid ah taliyayaasha Hay’adaha amniga u ahaya madaxweyne XSM ayaa maalmo ka dib iclaamka gogoshada bilaabay in ay la kulmaan xubnaha mucaaradka ee Muqdisho ku sugan, kooxahan oo isku saami qeybsi ah ayaa ka dooday in Villadda lagu wada qaxweeyo, laga doodana arrimaha siyaasadda, iyagoo fariintooda ku l'ay khatar dhinaca amniga ah.
Sida ay ogaatay Gaylan Media, hindisaha malaheyn madaxweyne XSM koox kamid ah saraakiisha Hay’addaha amniga oo aysan niyadsami dhex oolin hoggaankooda ayaa ka dhex raadiyey fursad siyaasi ah, inkasta oo mar dambe madaxtooyada shakiday kuna xoojisay xubno kale oo ay kalsooni kuqabtay, laakiin bilowgii madaxweynaha u sheegay qaar kamid ah kooxdiisa in uusan laheyn aragtidan una arkin mid waaqaca heshiis la ah.
Walaw mucaaradka Muqdisho kudhawaadeen in ay dabinka Villadda ku dhacaan, haddana dhinaca Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si taxadar leh laftirkoodu u maareeyey arrintan, tan oo mucaaradka goor dambe fahmeen in ay ahayd waqti dhumis oo aysan himbirirsiga ay moodeen jirin.
4- NIYADSAMI MA JIRTO!
In doorashada laga heshiiyo, waxaa ka horeeya sida Puntland & Jubbaland ku doodayaan in miiska la dhigo qadiyadaha oo dhan, madaxweynuhu qirto in uu mudo dhaaf yahay oo sharciyad haysan, doorashaduna miiska ka saaran tahay oo uu miiska ka xaaqo wax kasta oo damaciisa ah, la helo damaanad qaad caalami ah, madasha kulanka aysan noqoneyn aag Xasan Sheikh awood ku leeyhaya, banaanka looga heshiiyo xataa warmurtiyeedka soo bixi karaba haddii laysku imaanayo, Tan Villa Somalia uma aragto qodob ay si fudud ku liqi karto ama ay jiraan daruuf ku riixaya.
Todobaadkan Villa Somalia, waxay bilaabaysaa in ay mucaaradka u sawirto in ay dagaal abaabulayaan oo markale Muqdisho ay ka dhacayso dhacdo lamid tii 4tii June, dalal Shisheeye ayayna dowladdu bilaabaysaa in ay ku eedeyso miraha ka dhalanaya is afgaran waaga siyaasadeed ee taagan, tan waxaa lagu fasiray in ay tahay dhabo lagu baneysanayo wax u muuqaal e’eg hub kadhigis iyo cabsi galin mucaaradka lagu qasbayo in ay difaac galaan, kuna mashquulaan amnigooda halkii ay siyaasad ka hadli lahaayeen.
MAXAA LA SUGAYAA!
Sadex qodob ayaa kamuuqda ifafaalaha siyaasadeed.
- In madaxweynaha XSM tabartu tusto in uusan taako gadi karin oo uu miiska wada hadalka yimaado, isagoo ka soo tagay mashruuciisa siyaasadeed, si fudud looma sugi karo.
- In culeyska amniga & tabashada siyaasadeed ee hadda ka jira Bay, Hiiraan ilaa Shabeelaha Hoose uu kalifo isbedelo waa weyn oo gacanta dowladda ay ka baxaan magaalooyin muhiim ah, tan waxay Villa Somalia ku riixaysa in ay is gunaanado kuna qasbanaato wada hadal aysan gorgortan badan laheyn, kaas oo magac badbaadin uun looga gol yeelan karro, kaliyana tan waxay ku imaan kartaa Baydhabo oo kudhacda gacanta Laftagareen, Baladweyne oo israacda kuna dhawaaqda maamul cusub, Marka oo xaaladeedu sii adkaato & Bixitaanka ciidanka Uganda ee Shabeelaha Hoose oo soo dadajinaysa nuglaan amni.
Iyo Tan 3aad oo ah in Madaxweynuhu mashruuciisa si dardar leh u cayriyo, dhammaadkana si aan ruclo orad aheyn ku gaaro, Isla caleema saaro oo uu sii dalbado Hambalyada afar kamid ah hoggaamiyayaasha uu xiriirka la leeyahay, taas oo natiijada ka imaanaysaa ay noqonayso aysan culeys aheyn in hadda la falanqeeyo, iyadoo mucaaradkiisa Muqdisho ay kaliya yihiin falceliyayaal warbaahineed.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.