Skip to main content

Soomaaliya/News

Golle KMG ah | cabsida Villa Somalia, riixista R.Galbeedka & doorka mucaaradka

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Waa laga heshiin waayay hanaanka doorashooyinka dalka, dowladdu waa mudo dhaaf, madaxweynuhu uma joojinayo saaxiibadiisii uu kasoo dhexbaxay maalinkii uu hiilka u baahnaa, oo waa la dagaalamayaa, wasiiradiisa Idman ayaa si cad uga sheegaya warbaahinta tooska ah in ay xooga iyo xabad uga adkaanayaan siyaasiinta ku haysta giraanta doorashada ee ay saami qeybsiga wadaagan ee kula sugan fagaaraha Muqdisho, 2 kulan oo ay dhexdhexaadiyayaal ahaayeen dalalka Shisheeyena kama soo bixin natiijada laga filayey, Hadda dood saameyn aan laga dhuuman karin leh ayaa kudulfuran miisaska siyaasadda, waa in la aado aag lays kugu aamini karro, awoodaha lakala leeyahay & Guddi dhexdhexaad KMG ah oo talada doorasho ilaa siyaasadeed lagu aamini karro, sida Fiinta ayay Villa Somalia uga dhawaaqday go`aankan oo markii 1aad si toos ah golaha Mustaqbalku ay u cadeeyeen oo banaanka ula yimaadeen, iyagoo u diray hoggaamiyayaasha dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dhammaadka bishan iskugu tagaya Kampala.

Super Admin·last month·3 daqiiqo akhrin3000
Golle KMG ah | cabsida Villa Somalia, riixista R.Galbeedka & doorka mucaaradka
Maxay yihiin GOLLE KMG AH! Marka dib loo laabto 2021-kii, madaxweyne Xasan Sheikh oo ay wehliyaan saaxiibadiisa ay maanta doorashooyinka isku hayaan ayaa si xoogan uqabay aragtida ah in xukunkii xiligaas aan lagu aamini karin qabashada doorashooyinka ilaa hagida arrimaha siyaasadda marxaladda kala guurka ah, si baraxla’a ayayna udalbadeen keenida cid dhexdhexaad ah oo ka shaqeyn karta doorasho heshiis lagu yahay, waliba xiligaas waxaa jiray Heshiis siyaasadeed 17kii September oo la galay iyadoo mudo xileedkii dowladdii xiligaas ay ka harsan tahay 4 bilood & dheeraad. Amintaas, darafyada ayaa ku adkeystay 2 qodob-ba in la sameeyo, kow soo saarida wareegto madaxweyne oo si cad u sheegaysa in dowladda waqtigeeda dhammaaday oo ay tahay xilgaarsiin ka shaqeyn karta oo kaliya hirgalnta heshiiska siyaasadeed doorashada dalbaya uun, waana lagu guuleystay in sidaas ay u soobaxdo warqada cadeynta dowladdu in waqtigii sharciga ahaa dhacay, sidoo kale Golihii Badbaado Qaran waxay qasab ka dhigeen in talada magacaabida guddiyada Doorashada ilaa amnigeeda laga wareejiyo Villa Somalia, gaar ahaana madaxweynihii xukunka joogay, iyana waa lagu guuleystay oo Ra`iisulwasaarihisii oo ay is hayeen ayuu si cad ugu wareejiyey baarlamaanka hortiisa. Hadda maxay rabaan golaha MUSTAQBALKA! Markale maanta golaha Mustaqbalka ayaa dalbanaya talaabooyin lamid ah kuwii horey loo soo arkay ee madaxweyne HSM uu qeybta ka ahaa, ayna dheer tahay in aan la haynin Heshiis siyaasaded doorasho, waqtigii dhammaaday, Soomaaliduna ay taagan tahay aag xasaasi ah oo Midnimada sib a`an u dhaawacan tahay, waxaana sii dheer isku milanka xaafiisyada dalka ugu sareeya oo horey u kala baxsanaa ayna dhinacyadu lahaayeen aragtiyo kale duwan. Golaha Mustaqbalka ayaa ku doodaya in heshiis la`aanta siyaasadeed ay kasii durugsan tahay in madaxweyne HSM isku haysto in uu sharciyad kursiga ku joogo, isagoo waliba horey u sheegay in waqtigiisa ku e’eg yahay 15kii May ee lasoo dhaafay, taas oo ay sheegayaan in ay qasab tahay in la helo hanaan mustaqbalka dalka lagu badbaadin karro. GOLLE KMG AH MISE XUKUUMAD XIL-GAARSIIN! Sida ay ogaatay Gaylan Media aragtida la xariirta in la helo cid dhexdhexaad ah oo mucaaradka doorasho doonka ah & madaxda xukunka isku dhajinaysa u dhaxeyn karta ma qabaan oo kaliya siyaasiinta dibadjooga ah, wakiilada reer galbedka qaarkood ayaa min 2 jeer soo celiyey hadalkan xataa intii lagu jiray wada hadaladii Xalane ee ay garwadeen ka ahaayeen Mareykanka & UK, labaduba waxay sheegeen in loo baahan yahay madax awood leh oo kala madax banaan, tan waxaa lagu fasiray in kaligood golaha Mustaqbalku aysan laheyn dooda la xariirta helitaanka awood dhexe oo 2da dhinacba kalsooni kuqabi karaan. 3 doorasho oo ka dhacday gudaha Soomaaliya, sida diwaangashan waxaa lagalay iyadoo uusan madaxweynaha kursiga jooga awood ku laheyn go`aanada xaafiiska Ra`iisulwasaaraha, Cabdiweli Gaas ayaa Roadmapkii Kampala hoggaamiyey doorashana keenay, Cumar Cabdirashiid ayaa ebyay doorashadii dad-banayd ee 2017kii Villadda looga diray HSM koowaad, waqtigii Max’ed Xuseen Rooblena oo ahaa kan ugu kakanaa ee ay Soomaaliya soo martay, haddana wuu gabagabeeyey May 2022-kii, isaga oo aysan Salaanta is dhaafsan madaxweynihii magacaabay. Dood xoog leh ayaa hadda miiska taala, taas oo ay garbinayaan wakiilada caalamiga ah oo ay foolaad u yihiin xataa dalalka gobalka qaarkood, ayna ku doonayaan in lahelo kala madax banaansho Hay’adeed iyo in uu dhammaado is jaceylka siyaasadeed ee ka dhaxeeya xaafiisyada sare, cida fulinaysa go`aanka waxaa la aaminsan yahay in ay dharaaro ka dib dhalan karto, iyadoo dhinaca kalena mucaaradka lagu qasbayo aqbalida qodobo waa weyn oo aysan hadda raali ka wada noqon karin, sida ay xoguhu cadeynayaan. VILLA SOMALIA oo walaac wasoo wajahay! Dowladda Fadeaalka waa dhibsatay warqada golaha Mustaqbalka ay shalay u direen Madaxda dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, laguna beegay aminta ay ka shirayaan dhaqaale-darada howlgalka AUSSOM kudhacday, qaar kamid ah wasiirada madaxweynaha sheega in ay ku dhow yihiin ayaa falcelintooda ay noqotay hanjabaad xabad ah oo ay tilmaameen in ay mucaaradka ula bareerayaan, balse xaqiiqada ayaa ah in sida walaaca ugu abuurtay dowladda Faderaalka, waxaa laga akhristay sida ay ugu fasirtay go`aankan in loola jeedo dhismaha dowladnimo cusub & hanaan KMG ah oo dalka dib loogu celiyo, taas oo ay kudoontau in ay kuqanciso dhinacyada doodaheeda taageersan si ula kac oo ah weecinta fariinta, iyana laguma guuleysan. Laakiin mid la hubo waa in madaxweyne Xasan Sheikh dareensan yahay dhaawaca ay fariintan gaarsiinayso qorshihiisa doorashooyinka & iska joogida xukunka, iyadoo ay sii raacdo haynta wacaalka ah in Reer galbedka ay riixayaan doodan oo ay kudoonayaan helitaan aag dhexe oo Soomaalida loogu badbaadi karin dowladnimada yab-yabka ah. 4 qodob-ba Golaha Mustaqbalka sheegeenba waa lsoo joogsanayaa! Maamulka Madaxweynaha waxaa ka dhammaaday muddo-xileedkii dastuuriga ahaa iyada oo aan la gaarin heshiis kala-guur, taas oo dalka gelisay khatar siyaasadeed iyo sharciyad-darro. 2- Ciidankii loo tababaray la dagaalanka Al-Shabaab iyo Daacish ayaa laga weeciyay waajibkoodii, iyadoo loo isticmaalayo danaha siyaasaded ee dowladdu ku caburinayso mucaaradkeeda, sida laga arkay guutooyinkii 4tii June lasoo dhoobay jidadka caasumada. 3- Intii ay dowladdu xoogga saari lahayd argagixisada, waxay dagaal siyaasadeed iyo culeysyo kala hortagtay maamulada Puntland iyo Jubbaland si ay aragtideeda ugu qasabto, iyagoo waliba dagaalo Argagixiso ku jira. 4. Wuxuu Goluhu dalalka AUSSOM ugu baaqay in aysan taageero siin dowlad aan sharciyad haysan, balse ay gargaarkooda ku xiraan in la gaaro heshiis siyaasadeed oo lagu dhisayo "Gole Kumeel-gaar ah" oo qaban kara doorashooyin loo dhan yahay loona siman yahay. Afarta soo jeedinba waxay leeyihiin dood waaqaca raandhis ku leh oo la aqbali karro, ayna fahmi karaan inta badan wakiilada caalamiga ah ee bixiya dhaqaalaha lagu wado dowladnimada Soomaaliya & dalalka ay wiilasha & gabdhahooda u joogaan dalkan in ay amnigiisa sugaan.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.