Mareykanka maxay u doorteen Puntland & Jubbaland!
Siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa gashay waji cusub oo si ba'an u bedelay shaxda awoodda ee Geeska Afrika. In ka badan labatan sanno oo maalgelin bilyano doollar ah, taakulo sirdoon, iyo saadka ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya lasiinayay Washington waxay qaadatay go`aan u muuqda in lagu daalay Muqdisho & taageerada aan dheefta soo celineyn, Malaayiin Dollar oo la bixin jiray ayaana la go`aamiyey in kama dambeys loo joojiyey December 2026-ka, oo aan la sug doonin.
Siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka ayaa gashay waji cusub oo si ba'an u bedelay shaxda awoodda ee Geeska Afrika. In ka badan labatan sanno oo maalgelin bilyano doollar ah, taakulo sirdoon, iyo saadka ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya lasiinayay Washington waxay qaadatay go`aan u muuqda in lagu daalay Muqdisho & taageerada aan dheefta soo celineyn, Malaayiin Dollar oo la bixin jiray ayaana la go`aamiyey in kama dambeys loo joojiyey December 2026-ka, oo aan la sug doonin.
Mareykanku kama guurin Soomaaliya oo dhan, wuxuu ciyaaray xero-wareejin istiraatiiji ah oo ku saleysan sharciga "faa'iido-doonka quman"Awooddii dublumaasiyadeed, sirdoon, iyo midda milateri waxaa si toos ah loogu weeciyey saddexda aag ee ugu xasiloon, istiraatiijiga ah, shaqadana ka qaban kara berriga iyo badda, Puntland, Jubbaland, iyo Somaliland.
Ka-xero-guurka Muqdisho iyo weecashada dhanka saddexdan dhinac ayaa ka dhigan in dowladda Mareykanku ay si toos ah waaqac u wajahday saaxiibna ula noqotay 70% bedka guud ee dhulka Soomaaliya cida gacanta ku haysa.
1. Puntland: Gaashaanka Badda Cas, Macdanta Naadirka ah, Dhabar-Jabinta Daacish iyo Marinka Khaliijka
Puntland ayaa haatan u xuub-siibatay xudunta hawlgalada sirdoon, milateri, iyo ganacsi ee Mareykanka ku leeyahay aagan muhiimka Boosaaso ma ahan oo keliya xarun ganacsi waqtigan waa marinka ugu dhow ee isku xira dekedaha kulul ee Khaliijka Carabta, Gacanka Cadan ilaa xeebaha dalka Yemen, halkaas oo ka mid ah marinada ugu mashquulka & halista badan caalamka.
Caddeynta ugu weyn ee muujinaysa is-bedelka aragtida Washington waa booqashadii qariibka ahayd ee bilo kahor ay Puntland ku tageen wafdi heer sare ah oo isku dhaf ah, kaas oo ka koobnaa Safiirka Mareykanka, saraakiil ciidan oo ka socday taliska gaashaandhigga ee Pentagon-ka, iyo maalgashadayaal ama ganacsato reer Mareykan ah. Intii shirkaas socday markii 1-aad ayaa la shaaciyey in laga hadlay heshiisyo toos ah oo la xiriira Macdanta Naadirka ah ee ku duugan buuraha dhulka Puntland, iyo waliba furista albaabka ganacsi oo caalami ah, Tani waxay marqaati ka tahay in Washington aysan Puntland u arkin uun furimaha dagaalka, balse ay tahay xarun kheyraad iyo aag dhaqaale oo lala gali karo heshiisyo ganacsi oo aan Muqdisho loo marin.
Dhabar-jabinta Daacish!
Labadii sanno ee ugu dambeeyey, Mareykanka ayaa si hagar la’aan ah u garab istaagay ciidanka Puntland, intii ay ku jireen howlgalkii Calmiskaat oo ay guul weyn ka gaareen Madaxweyne Trump ayaana toos u amray duqeymo wa weyn oo lagu beegsaday fariisimada kooxda argagixisada ah ee Daacish, taas oo uu madaxweynaha PL ka mahad sheegtay.
Hogaanka gaashaandhigga ee Washington ayaa dhowr jeer fagaaraha ka ammaanay ciidamada gaarka ah ee Puntland, iyagoo ku tilmaamay ciidan geesiyaal ah oo cashar lama ilaawaan ah u dhigay, dhana dhulka kaga guuleystay halista Daacish oo danaha US halis ku ahayd, Arrintan ayaa barbardhig cad la gashay fashilkii weynaa ee ku yimid duulaanadii ay DFS intii lagu jiray 2023 iyo 2024 ka qaaday gobolada Galmudug ilaa Hirshabeelle, halkaas oo hub khasaaray, ciidamo kala daatay, iyo taakulo shisheeye oo lagu bixiyay howlgallo ku dambeeyay dib-u-gurrasho degdeg ah ay shaaca ka qaadeen dib-u-dhaca nidaamka gaashaandhigga Villa Somalia.
2. Jubbaland: Khadka Difaaca ee Koonfurta iyo Fariisinka Afmadow
Jubbaland waxay hadda u noqotay Washington gaashaan adag iyo aag istiraatiijiga ah oo kaabiga ku haya 3-xagalka Jilib ilaa Bu'aale, halkaas oo ay ku dhuumaaleystaan madaxda ugu sareysa, golaha shuurada, iyo sirdoonka maaliyadeed ee kooxaha Argagixiso, sidoo kale JL waxay xaduud dhuleed oo amni saameynaysa la wadaagta raxan kamid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Mareykanku ku leeyahay guud ahaan Geeska Afrika iyo bariga Afrika, In lala socdo dilaacida khatartaas, Mareykanku kama doonin in uu wadooyinka dheer ee amarka ee Muqdisho u maro. Bedelkeeda, waxaa xoogga la saaray abuurista iyo adkeynta Saldhigga Milateri ee JL.
3. Somaliland: Badbaadada Bab el-Mandeb, Isbaheysiga Qoto-Dheer iyo Macdanta Caalamka
Haddii Puntland iyo Jubbaland ay yihiin gaashaanada difaaca dalka gudihiisa, Somaliland waxay dowladda Mareykanka u noqotay udub-dhexaadka shaxda caalamiga ah ee badbaadinta marinnada Badda iyo loolanka quwadaha waaweyn ee bariga dhexe iyo Aasiya.
Kalsooni darada Jabuuti iyo Bedelka Berbera: Mareykanku wuxuu mudo dheer saldhigiisa weyn ku lahaa Jabuuti. Hasa-ahaatee, ciriiriga ka jira dalkaas yar, iyo waliba joogitaanka saldhigga milateri ee dowladda Shiinaha oo dhowr kiiloomitir u jira kan US, ayaa ku riixay Pentagon-ka in ay raadiyaan aag ka baaxad weyn, ka nabadgelyo badan, cid kale aysan joogin, Dekedda baaxadda weyn iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera ayaa noqday rugta cusub ee hawlgalada ku wajahan Badda Cas iyo Bab el-Mandeb.
Saldhigga Wadajirka ah ee PL & SL, Si badbaadada marin-biyoodka Gacanka Cadan loo adkeeyo, sirdoonka reer galbeedku waxay agaasimeen iskaashi milateri iyo mid sirdoon oo ay si wadajir ah uga wada howlgalaan laamaha amniga ee Puntland iyo Somaliland, iyagoo ka shaqeynaya ka hortagga dhaqdhaqaayada argagixisada ee gobolka iyo xakamaynta Xuutiga ilaa hubka ka yimaada Yemen.
4. Warqaddii gubatay & Bixintii dhalanteeda ahayd!
16kii March sannadkii hore, Xasan Sheikh ayaa warqadan u diray Trump, wuxuu ugu yaboohay in uu saldhigyo ciidan ka dhigto Boosaaso, Berbera & Balidoogle, iyadoo ay kala shaqeeyeen xubno kale duwan, laakiin Trump taas kama jawaabin mana dhaafin erayad ad adag ee taabanaya dowladnimada Soomaaliya, halka laga sugayay in uu taageero milateri iyo garab-siyaasadeed kaga bedesho dhul aanu dhab ahaan awood maamul ku laheyn madaxweyne HSM/
Tani waxay u adeegtay sidii caddayn fagaare ah oo muujisay in Muqdisho aanay matalin dhabta juquraafiyadeed ee Geeska Afrika. Waraaqdaasi waxay dedejisay in dowladda Mareykanku ay iska fogeyso buugga dhexdhexaadiyaha ee Villa Somalia, ayna si toos ah iskaashi ugula aagaga Puntland, Soma;liland & Jubbaland oo ay ku laab-laabteen saraakiisha Mareykanka.
UGU DAMBEYN, Siyaasadda cusub ee Mareykanka ma ahan mid si fudud looga noqon karo. Go’aamada Washington ay ku dooratay Puntland, Jubbaland, iyo Somaliland waa mid ku saleysan saddex tiir oo muhiim u ah qaab-dhismeedka nidaamka caalamka ee qarnigan 21-aad:
Macdanta Naadirka ah & Kheyraadka Ganacsiga: Booqashadii Safiirka Mareykanka, ganacsatada, iyo saraakiisha ciidan ee Puntland waxay daaha ka qaaday in dunidu diiradda saarayso kheyraadka dabiiciga ah ee Boosaaso iyo macdanta qaaliga ah ee Hargeysa, taas oo abuuraysa isku-tiirsanaanta dhaqaale ee ka baxsan taakulo ciidan oo hal dhinac ah.
Argagixiso-la-dagaalan Dhab ah: Jubbaland iyo Puntland waxay bixiyeen natiijo la taaban karo oo ku aadan tirtirida Al-Shabaab iyo Daacish, halka nidaamkii dhexe ee DFS uu ragaadiyey fashilka howlgaladii Galmudug iyo Hirshabeelle, hub khasaaray, iyo musuqmaasuq Taakulo oo US ku dhawaaqday.
Isbaheysiga Gobolka iyo Amniga Badda, Berbera iyo Boosaaso waxay xaqiijinayaan nabadgelyada marinnada shidaalka caalamka ee Badda Cas iyo Bab el-Mandeb, iyadoo isbaheysiga Isreal-India-UAE-US uu meesha ka saaray in Shisheeye kale oo sida Xamar Turkida iskugu dhiibtay aan laga ogolaanin.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.