Skip to main content

Soomaaliya/Opinion

Maxay Baraawe muhiimad gooni ah u leedahay?

Magaalada xeebeedka qadiimiga ah ee Baraawe waa mid ka mid ah magaalooyinka taariikhiga ah ee ugu caansan koonfurta Soomaaliya iyo xeebaha Bariga Afrika. Waa magaalo leh taariikh dheer, dhaqan gaar ah, dhismayaal soo jireen ah iyo xiriir ganacsi oo qarniyo badan kala dhexeeyay bulshooyin ku kala noolaa Geeska Afrika, Jasiiradda Carabta iyo xeebaha Badweynta Hindiya.

Senior Desk·5 days ago·3 daqiiqo akhrin301104
Maxay Baraawe muhiimad gooni ah u leedahay?
Baraawe waxay ka mid tahay magaalooyinka taariikhda fog ku leh Soomaaliya, iyadoo ay weheliyaan Muqdisho, Saylac iyo magaalooyin kale oo qadiimi ah. Muhiimaddeeda taariikheed kuma koobna oo keliya jiritaankeeda muddada dheer, balse waxay sidoo kale ku salaysan tahay kaalintii ay ku lahayd ganacsiga badda, fiditaanka diinta Islaamka, waxbarashada diinta iyo koboca dhaqanka xeebaha Bariga Afrika. Qoraallo taariikheed iyo raadad qadiimiga ah ayaa muujinaya in Baraawe ay ahayd magaalo ganacsi oo firfircoon qarniyo badan ka hor. Waxaa jira qoraallo taariikheed oo magaalada xusaya qarnigii 12-aad, halka raadad qadiimi ah oo laga helay magaalada ay muujinayaan in xiriirkeeda ganacsi iyo nololeed uu aad uga horreeyay xilligaas. Taariikhda aasaaska magaalada waxaa jira sheekooyin iyo aragtiyo kala duwan. Sida ay sheegaan qaar ka mid ah taariikhda afka laga dhaxlay, magaalada waxaa aasaaskeeda lala xiriiriyaa Aw-Cali, oo sidoo kale loo yaqaan Cali Baraaweini ama Aw Cali. Si kastaba ha ahaatee, xogta ku saabsan qofkii aasaasay magaalada iyo xilligii saxda ahaa ee la dhisay weli waxay u baahan tahay in lagu saleeyo ilo taariikheed oo la isku halayn karo. Baraawe waa magaalo ka duwan magaalooyin badan oo Soomaaliyeed marka laga eego dhaqanka, afka, cuntada, dhismaha iyo hab-nololeedka bulshada. Waxaa si gaar ah loogu yaqaannaa bulshada Barawaniga ah iyo afka Chimwiini, oo dadka deegaanka qaarkood ugu yeeraan afka Barawaniga. Afkani wuxuu xiriir dhow la leeyahay afafka Sawaaxiliga, wuxuuna leeyahay erayo iyo raadad luqadeed oo laga dheehan karo xiriirka taariikhiga ah ee magaalada la lahayd bulshada Tunniga iyo bulshooyinka kale ee ku xeeran. Sidaas darteed, Baraawe waxay tusaale muhiim ah u tahay isku-dhafka dhaqamada iyo afafka ka hanaqaaday xeebaha Badweynta Hindiya. Magaaladu sidoo kale waxay caan ku tahay masaajiddo, xarumo diimeed iyo taariikh culimo oo fac weyn. Qarniyo badan ayay Baraawe ahayd meel ay ka hanaqaadeen culimo Soomaaliyeed oo caan ku noqday barashada fiqiga, xadiiska, tafsiirka Qur’aanka iyo suugaanta Islaamka. Waxaa ka mid ah culimada magaalada ku suntan Sheekh Uways bin Maxamed al-Barawi iyo culimo kale oo ka qayb qaatay faafinta aqoonta diinta Islaamka gudaha Soomaaliya iyo meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika. Dhaxalkaas diimeed ayaa magaalada siinaya maqaam ka duwan oo kaabaya taariikhdeeda ganacsi iyo midda dhismaha. Sidoo kale waxaa ka soo jeeda, Cabdulqaadir Sheekh Saqaawadiin wuxuu ahaa halgame Soomaaliyeed oo taariikh weyn ku leh halgankii gobannimo-doonka dalka. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Naadiga Dhallinyarada Soomaaliyeed (SYC), oo la aasaasay 15-kii May 1943, wuxuuna noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee ururkaas, oo markii dambe loo beddelay SYL. Wuxuu door muhiim ah ka qaatay abaabulkii dhallinyarada iyo halgankii xorriyadda Soomaaliya. Wuxuu geeriyooday Agoosto 1946, isagoo safar ku joogay Jigjiga. Dhanka dhismaha, Baraawe waxaa lagu yaqaannaa guryo qadiimi ah, waddooyin cidhiidhi ah, dhismayaal dhagax iyo nuurad laga sameeyay iyo qaab-dhismeed ka tarjumaya xiriirkii ay la lahayd magaalooyinkii kale ee xeebaha Sawaaxiliga. Qaar ka mid ah dhismayaashaas iyo raadadka magaalada qadiimiga ahi waxay muujinayaan farsamooyin dhisme oo soo jireen ah, kuwaas oo mudan in la diiwaangeliyo lana ilaaliyo. Qaab-dhismeedka magaalada ayaa dhinacyo badan la wadaaga xaafadaha taariikhiga ah ee Muqdisho, gaar ahaan Xamarweyne iyo Shangaani, inkastoo magaalo kasta ay leedahay astaamo u gaar ah. Mid ka mid ah meelaha soo jiita indhaha dadka booqda Baraawe waa munaaradda ama daaradda xeebta ee loo yaqaan Jaylaani, taas oo la xiriirta dhaxalka badeed ee magaalada. Dhismayaasha noocan ahi waxay muhiim u yihiin fahamka taariikhda maraakiibta, dekedaha iyo hagidda socodka badda. Si kastaba ha ahaatee, sheegashada ah in munaaraddaas la dhisay saddex qarni ka hor iyo in Talyaanigu dhisay si loogu hago maraakiibta u kala goosha Gacanka Cadmeed waxay u baahan tahay xaqiijin dheeraad ah. Xogta la heli karo ee ku saabsan nalalka hagidda maraakiibta ee Baraawe waxay tilmaamaysaa nal xeebeed la diiwaangeliyay qarnigii 20-aad, gaar ahaan sannadkii 1912, sidaas darteed waa muhiim in la kala saaro dhismayaasha qadiimiga ah iyo kaabeyaashii dambe ee gumeysigu sameeyay. Taariikhda Baraawe waxaa kale oo qayb ka ah xiriirkii ay la lahayd saldanadihii iyo maamulladii kala duwanaa ee ka jiray xeebaha Bariga Afrika. Magaalada waxaa saameeyay ganacsigii Carabta, xiriirkii Sawaaxiliga, xukunno maxalli ah iyo gumeysigii reer Yurub. Sannadkii 1506, magaalada waxaa weeraray Boortaqiiska, dhacdadaas oo qayb ka ah taariikhda ballaaran ee loollankii awoodaha shisheeye ee xeebaha Badweynta Hindiya. Inkastoo ay soo martay marxalado adag, Baraawe waxay sii haysatay astaamo dhaqameed iyo bulsho oo muujinaya adkaysiga dadka deegaanka. Magaaladu waxay sidoo kale caan ku tahay farsamooyinka dhaqanka, dharka, koofiyadaha Baraawe, agabka guryaha iyo cuntooyin ka tarjumaya hidde-dhaqameedkeeda. Dhaqanka cuntada ee Baraawe wuxuu qayb ka yahay aqoonsiga magaalada, iyadoo laga dheehan karo saameynta deegaanka xeebta, kalluumaysiga iyo xiriirkii ganacsi ee ay la lahayd bulshooyinka kale. Isku-dhafkaas ayaa Baraawe ka dhigay meel leh dhaxal dhaqan oo ka ballaaran xuduudaha magaalada. Sida magaalooyin badan oo Soomaaliyeed, Baraawe waxay soo martay marxalado ay ka mid yihiin gumeysi, isbeddel dhaqaale, burbur iyo colaado. Dhibaatooyinkaas waxay saameeyeen dhismayaal taariikhi ah, noloshii bulshada iyo horumarkii dekedda. Sidaa darteed, ilaalinta dhaxalka magaalada, dayactirka dhismayaasha qadiimiga ah, diiwaangelinta afka Chimwiini iyo ururinta xusuusta taariikheed ee dadka deegaanka waa arrimo mudan in si dhab ah loo tixgeliyo. Magaalada Baraawe oo leh taariikh iyo mudnaan gaar ah, haddana mudnaantii ay mudnayd, iyadoo ah caasimadda Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, kama helin. Marka aad tagto magaalada, waxaa ka muuqda dib-u-dhac aad u weyn. Labadii maamul ee isku beddelay Villa KGS, ee Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, wax la taaban karo kama qaban magaaladaas. Halka maamulka uu hoggaamiya Sheekh Aadan Madoobe, la qiimeyn doonaa haddii uu helo waqti ku filan oo uu afar sano hoggaamiyo Koonfur Galbeed. Hadal-jeedintii shalay ee Sheekh Aadan Madoobe waxay ila muuqatay mid ku habboon qof kasta oo masiirka ummaddiisa ka fekeraya. Sheekh Aadan wuxuu sheegay in inta uu hoggaanka Koonfur Galbeed hayo, Baraawe mudnaan gaar ah la siin doono. Sidoo kale, wuxuu sheegay in la dhammaystiri doono Garoonka Diyaaradaha Baraawe, dekeddana la dhisi doono, iyadoo wasaarado qaar halkaas ka shaqeyn doonaan. Waxaan rajaynayaa in xafiisyo ka tirsan maamulka loo soo wareejiyo Baraawe, sida Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Wasaaradda Batroolka. Ugu dambayn, Baraawe ma aha oo keliya magaalo xeebeed qurux badan, balse waa kayd taariikheed oo muhiim u ah Soomaaliya iyo Bariga Afrika. Waxay xambaarsan tahay raadad ganacsi, aqoon diimeed, afaf, farshaxan iyo dhisme oo jiilal badan soo gudbiyeen. Ilaalinta dhaxalkaas waa masuuliyad saaran bulshada deegaanka, maamulka degmada, maanulka kgs iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee qiimeeya taariikhdooda. Baraawe waa magaalo qofka xusuusinaysa in Soomaaliya ay leedahay magaalooyin fac weyn oo mudan in la barto, la booqdo, lana ilaaliyo. Baraawe waxay mudan tahay in taariikhdeeda si qoto dheer loo baaro, quruxdeeda la soo bandhigo, dhaxalkeedana loo ilaaliyo jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka. W/QORAY ISACK ATO ISACK
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.