Skip to main content

Soomaaliya/News

Maxay ka dhigan tahay in UGANDA bilowdo la bixitaanka ciidankeeda ee kusugnaa Koonfurta Soomaaliya?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) - Sida ay ogaatay Gaylan Media, 48 saac ee lasoo dhaafay boqolaal kamid ah ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya kusugnaa, gaar ahaana kuwa Uganda ayaa laga daad-gureeyey Muqdisho, iyagoo dib ugu laabtay dalkooda, Tirooyinkii u horeeyey ayaa gaaray Boqolaal, fiidnimadii xalay duulimaad ka duulay garoonka Aaden Cadde ayaa lagu qaaday In ka badan 100 Askari, halkana maantana tiro kale ay baxday. Sida ay xaqiijinayaan ilowareedyo wargal ah, in ka badan 2 kun oo askari oo Uganda ah ayaa qorsheysan in la saaro 20ka maalin ee fooda nagu soo haya, taas oo ka dhigan in ay dowladda Faderaalka wajahayso culeys weyn oo dhinaca amniga ah, gaar ahaana deegaanada muhiimka ee Shabeelooyinka. Taliyaha u sareeya ciidanka Uganda ayaa xalay ku dhawaaqay in ay bilaabeen geedi socodka la bixida ciidamadooda kusugan Soomaaliya, isagoo sheegay in ay 20 sano ka shaqeynayeen sugida amniga ee koonfurta, ayna hadda bilaabeen kuwareejinta amniga ee ciidamada dowladda Faderaalka, kuwaas oo ay horey Xukuumadda Faderaalka u sheegtay in aysan kaligeed ku filneyn. Warqad loo diray qaar kamid ah Safaaradaha Reer galbeedka oo katimi dalalka ciidamadu kajoogaan qaarkood ayaa lagu wargaliyey in aysan ku filneyn sugida amniga Koonfurta & xataa deegaanada kaabiga ku haya caasumada, iyagoo sabab ka dhigay dhaqaale-darro xiritaanka xaafiiska UNSOS iyo kii Siyaasadda ee Qaramada midowbay oo dhammaantood xirmay.

Senior Desk·5 days ago·3 daqiiqo akhrin1K416
Maxay ka dhigan tahay in UGANDA bilowdo la bixitaanka ciidankeeda ee kusugnaa Koonfurta Soomaaliya?
Maxaa keenay Bixitaanka? Sida aan tabinay maalmo kahor, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa safar maalin ah oo ku tagay Kampala u suuragal weyday in uu dhigiisa Museveni ku qanciyo in dib loo dhigo la bixitaanka ciidamada, sidaas oo kale waxaa dood ka taagan tahay wali nooca loo maareeyey dhaqaale ay qaadan jireen ciidamada ka madax banaan kuwa UA ee Uganda ka joogay Soomaaliya, taas oo dal Carbeed mariyey Villa Somalia. Ilowareedyo xilkas ah ayaa sheegaya in ay dalalka ciidamadu ka joogaan ku hanjabayaan in ka hor December sannadkan haddii aan heshiis siyaasadeed la gaarin, ay ka dhalanayso in ay dhammaan ka baxaan Koonfurta dalka, tan oo dhaawac weyn ku noqonaysa karaanka dowladnimada Faderaalka. Maxay ka dhigan tahay tani? In ka badan 20 Sano oo ay AU amniga Koonfurta dalka gacanta ku haysa bixitaankan ayaa dhaawac weyn ku noqonaya guulihii horey loo gaaray, gobalka Shabeelaha Hoose oo ah meesha ugu badan ee ay ciidamada Uganda ku sugnaayeen ayaa hadda is weydiimo ka taagan yihiin sida u ekaanayo, xili ay waqtigan ka jiraan isku dhacyo hubeysan oo dowladda Faderaalka ku dhiig baxday. Maalmo kahor, ayay ahayd markii ciidamada dowladda oo kusocda Buurhakaba ay la kulmeen mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa, kaas oo ay dowladdu qiratay in Baabuur looga qaatay, halka Kooxda Al Shabaab ay sheegatay in ay dishay Boqolaal Askari, inkasta oo ay dowladdu beenisay. Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo todobaadkan u waramay Gaylan Media ayaa xaqiijiyey in haddii 10% la saaro ciidanka Midowga Afrika ay dhacayso firaaq weyn oo dhinaca amniga ah, kaas oo saameyn deg deg ah kusameynaya dhammaan goobaha kale, waxayna ka dhigan tahay in haddii Shabeelaha Hoose laga saaro ciidanka Afrikaanka ay ka dhalanayso musiibo dhinaca ammaanka ah.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.