Skip to main content

Soomaaliya/News

Puntland oo jabisay qorshihii Villa Somalia & 3 dal? Deni oo go'aan cusub qaatay!

Sida aan tabinay bishii June, dowladda Faderaalka waxay lahayd hadafyo cad oo kuwajahan isbedel lagu sameeyo qaab dhismeedka dowladnimada dalka, laga soo bilaabo wax ka bedelkii dastuurka, aragtiyaha madaxweynaha ee la xariira amniga & Siyaasadda ayaa ahaa kuwa kakan oo dhiig-cusub kushubayey in dib u eegis lagu wajaho dhismaha dowlad gobaleedyada dalka, qaar waa lagu duulo, kuwa hoggaanka ayaa laga bedelay si baraxla’a oo siyaasadeed, qeyb ayaa hadd u madlan, Jubbaland & Puntland-se banaanka ayay dhigeen damacyada Villa Somalia waabeeniyeen.

Super Admin·last month·3 daqiiqo akhrin10002
Puntland oo jabisay qorshihii Villa Somalia & 3 dal? Deni oo go'aan cusub qaatay!
Bartamihii sannadkii Villa Somalia & sadex kamid ah dalalka saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya ayaa isla ebyay qorshe ahaa in ciidamo lagu dhex abuuro gudaha PL, kuwaas oo kasoo jeeda deegaanka, sheegtana in ay yihiin ciidanka Soomaaliya, ajendaha ugu weyn ayaana ahaa in ay sameeyaan dhaqdhaqaaqyo kasoo horjeeda nidaamka PL, loona abuuro wax caadi ah in ay tahay, October sannadkas madaxwyene HSM ayaa si xoogan ugu faanay in ay xoogag amni u joogaan gudaha kuwaas daqiiqad kasta u diyaarsan fulinta amaro dagaal, xiligaas oo uu la hadlayay Idaacadda BBC-da. Waqtigan si xoog badan ayay u burbureen damacyadii faragalin gudaha Puntland, oo ay asalkiisa lahaayeen dalalka Shisheeye, fashilkan kaliya ma saameynayo xoogaga hubeysanaa ama siyaasiinta foolaadka ahaa ee si buuxda ayuu u dhaawacayaa damacyada dalalka & Madaxweyne HSM oo is huwanaa, tan ugu weyn waxay noqonaysaa in PL ay markale qortay in gudaheeda aan faragalin lagu sameyn karin, dadku go`aansadeen in ay awoododa amaanin, qaadana aragtiyo aan food saar & xero ka dhalad mid laheyn. 4 qodob-ba maanta wey ka muuqataa Saaxada Puntland Muujinta Awoodda Gacan-ku-haynta Puntland 36 maalin ka hor, madaxweyne Xasan Sheikh iyo RW Xamse ayaa jeediyey hadalo dhiilo xoogan ka buuxda oo aysan u kala harin, kuna weerareen Puntland, oo ay sheegeen in ay ka qorayaan in ka badan 30 kun oo askari oo dhankooda daacad u noqonaya, talaabadaas ayaa abuurtay in talaabo deg deg ah ay go`aamisay Xukuumada PL, taas looga hortagayey isku dayada dhinaca Faderaalka ka imaanayay, sidoo kale 7di bilood lasoo dhaafay caadiyan PL waxaa kanoqotay in ciidamo badan sheegtaan in ay katirsan yihiin dowladda Faderaalka oo aysan PL ka amar qaadan, Tani waxay dadajisay in dhinaca Garoowe go`aan adag u qaadato xaqiijinta gacan ku heynta PL. Isku dayo la xariira in laga baaqsado xal ciidan ayaa miradhal noqon waayay, PL ayaa qaaday howlgal ay kusheegtay in ay kusugeysay sareynta sharciga, tallaabadan waxaa lagula wareegay saldhigyo ay lahaayeen ciidamadii sheegay in ay ku biireen DFS, wax ka yar 24 saac gudahood Tani waa fariin cad oo muujineysa in Puntland ay awood kuhayso deegaankeeda, oo halkan aan laga fuli karin aragti banaanka, Sida kamuuqata hadaljeedinta madaxweynaha talaabadu waxay ahayd mid ay PL kutuseyso Soomaaliya inaysan marnaba aqbalayn awood ciidan oo dowladda dhexe leedahay inay si madax-bannaan uga dhex hawlgasho gudaha deegaanadeeda, gaar ahaan xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya dastuurka, Doorashooyinka & haykalka dowladnimada dalka. Dhabar-jab ku yimid Qorshaha Dowladda Dhexe Dhacdadii Raskambooni ayaa weecisay jiho kasta oo laga qabay madaxweyne Xasan sheikh, waxaana dib u soo laabtay cabsida laga qabo in dalkan uu markale aado jiho aan waaqaca heshiis la aheyn, gaar ahaana xagasha amniga, Ku tookhidii awoodda ee madaxweynaha & wasiirkiisa koowaad ee bilowgii July ayaana abuurtay shaki weyn oo taabanaya Jiritaanka deegaanada Puntland. In la burburiyo ama lala wareego xeryo milateri oo ay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Xamse ku faaneen cutubyo hubeysan,waxay wiiqday isku-daygii dowladda dhexe ee ahaa in ay awooddeeda ku fidiso Puntland & Jubbaland, Tani waxay sidoo kale sumcad-darro & dhaawac ku tahay mashaariicda amniga ee laga fuliyo meelaha ka baxsan Muqdisho iyadoo aan heshiis rasmi ah lala gelin maamulka deegaanka. Dooda la xariirta in ciidamo la qoro iyadoo la hareer-marayo nidaamka dawliga ah ee Puntland ama Jubbaland ayay hadda ku dhacday dhabarjabkii ugu waynaa, iyadoo sababtuna ay tahay in deegaanadan ay diideen in ajendaha xoog & xeeladba meelmar looga dhigo. Sii Xumaanshaha Khilaafka Siyaasadeed! Xiriirka Puntland iyo DFS ayaa markii horeba ku jiray xaalad murugsan ah tan iyo markii Puntland ay ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-bannaan ilaa lagu soo laabanaya dastuurkii 2012kii, lagana heshiinayo hanaanka dowladnimada. Dooda PL inkasta oo ay Villa Somalia uga jawaabtay abuurida colal hubeysan oo lagu cabsigalinayay dhinaca Siciid Deni, haddana In gacan-ka-hadal iyo hub kadhigis la gaaro waxay khilaafkii siyaasadeed u rogaysaa mid amni, Tani waxay sii adkeyn doontaa wada-hadal dambe waxayna caqabad ku noqoneysaa geeddi-socodka dhismaha Qara heshiis lagu yahay. Caadiyan Villa Somalia ku fashilantay awood tijaabinta ilaa tii siyaasadda, oo 2023kii ilaa Jan 2024-kii, amadaxweyne HSM Malaayiin Dollar uga baxday sidii Siciid Deni uu kursiga u dhaafin lahaa oo kuraasta keydsi ee camal la’aanta u fariisin lahaa, balse taas waa dhicisowday oo Deni ayaa noqday madaxweynaha kaliya ee PL xukunka kusoo laabta, haddana ka adkaada damacyadii madaxweyne HSM oo uu hadda kula loolamayo geynta Sanduuq doorasho uusan Xasan Sheikh ku qanacsaneyn. Go’aanka Puntland! Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa 48-ka saac ah u qabtay kooxaha hubeysan, sheegayna in lagama maarmaan ay tahay in la xaqiijiyo amniga & klaa dambeynta gudaha deegaanada Pl oo aysan gorgortan ka galeynin. Dowladda Faderaalka ayuu u eedeeyey in ay agabyada milateri ee Soomaali loogu deeqay u adeegnayso kala dhantaalka amniga & klaa dambeynta, halkii lagu wajihi lahaa kooxaha Argagixiso ee diidan nabadda, Nolosha & Horumarka deegaan doorashooyinka madaxweyne HSM. Qaar kamid ah colalkii ay DF maalgalisay ayna magac ahaan ku qornaayeen xubno katirsan dowladda DHexe ayaa katalaabay xaduudaha PL, qaarkood oo gaaray xero ciidan oo kutaala Galguduud Galmudug ayaa la qorsheynayaa in dhibow ka dib loo gudbiyo Teedan, Matabaan ilaa agagaarka Hiiran ee ay ka furan yihiin dagaalka u dhaxeeya Al Shabaab & DFS, Booliska PL waxay sii daayeen digniin ah in cid kasta oo soo dhaweysata hubka xuduudaha ka tallaaba loo arki doono "cadow”, tani waxay leedhaay 2 qodob oo kala ah. In meesha laga saaro siyaasiyiin hubeysan ama dhinacyada ay suuragal tahay in ay xambaari karaan markale kacdoon hubeysan oo ka dhan ah Jiritaanka deegaankan & In maamulada deriska ah ilaa Dowladda Federaalka looga digo inay faragelin amni kasta oo laga sameeyo agooda ay ka dhigan mid fashilmaysa. Dhacdooyinkan waxay cadeynayaan in khilaafkii Garoowe iyo Muqdisho uu ka gudbay marxaladdii hadalka uuna gaaray gacan-togaaleysi milateri, laguna kala adkaaday, Tani waxay dowladda Federaalka & dalalka aragtida asalkeeda lahaa ku qasbaysaa inay dib u eegaan istiraatiijiyaddeeda ku wajahan Puntland, halka MW Siciid Deni tan ka dhigayso in uu dib u eego Hal talis ciidan oo gabi ahaanba 28 sano ka dib PL laga gudbiyo ciidamo kala xirmeysan, lana qaado Hal talaabo oo lagu dhisayo ciidan mid ah oo aan dhexgal lagu sameyn karin.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.

Puntland oo jabisay qorshihii Villa Somalia & 3 dal? Deni oo go'aan cusub qaatay! · Gaylan Media