Skip to main content

Soomaaliya/News

Xaalad aan caadi aheyn oo haysata MW Xasan Sheikh

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Dowladda Federaalka ayaa wajahaysa culeys amni iyo mid siyaasadeed oo aan caadi aheyn, arrinta gobalada Shabeelooyinka ee ay ka baxayaan ciidamada Shisheeye ayaa ah culeyska ugu weyn.

Senior Desk·2 days ago·3 daqiiqo akhrin44720
Xaalad aan caadi aheyn oo haysata MW Xasan Sheikh
AUSSOM, gaar ahaana Uganda ayaa ciidamadeeda ugu badan ka saaraysa agaaga ay kajoogaan Shabeelaha Hoose, iyagoo isku aruursan doona xayndaabka Xalane. Warqad loo diray safaaradaha Reer Galbeedka oo ay heshay Gaylan Media, waxaa ka dhexmuuqda calaamado muujinaya digniino dhinaca amniga ah iyo isku diyaarinta waxyaabo suuragal ah 120ka cisho ee soo socota. Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa si xoogan u garaacay buunka qabaa’ilka, isagoo qaar kamid ah xubnaha mucaaradka ay saami qeybsiga wadaagan u diray labo kamid ah madaxda hay’addaha anniga iyo Garsoorka, isagoo sheegay in haddii la aado dhismaha dowladnimo kale caasumada laga qaadanayo, ayna tahay in ay doodiisa raacaan, tan ayaa ka dhignaanaysa in Madasha Samatabixintu lakulmayso maalmo kakan. Madasha samatabixinta ayaa dabinkii 1aad kudhacday, iyadoo aqbashay wada hadal lafurid saraakiil ciidan oo kasocotay madaxweynaha oo aan ka leexan dhabihiisa doorashada, joojina shaqada guddiga ilaa mowqifyadiisa hanaan lamid ah kuwii laga soo qabtay dowlad gobaleedyada. Sidoo kale Koonfur Galbeed ayaa culeyska amniga sii kordhayaa, iyadoo buundooyinka muhiimka ah ee Buurhakaba kaxiga dhanka Muqdisho ay go’een xili ciidankii kasoo jabay Leego ay diidan yihiin dagaal kale.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.