Xitaa awood ciidan & Mid siyaasadeed ayaa loo adeegsaday markii 15 Maalin loo qabtay ciidankii uu xamar ka keenay. Axmed oo doorashadiisa qabsaday, Awood ciidanna ku soo jabiyay HSM, Ayaa Muqdisho ka soo dagay isagoo Amnigiisa si qaas ah loo ilaalinayay, wuxuuna hadda Axmed qeyb lixaad leh ka ciyaarayaa sidii xasan kursiga loo dhaafin lahaa, loona badbaadin lahaa dowladnimadii 3aad ee JFS, Hoos u soo dag,
“Afar iyo labaatan bari ayeey ku burbureeysaa PL” waa laga soo tagay xilli weerahaasi noqdeen shidaalka & dib u soo doorashada Siciid dani. Dhiigbax dhaqaallo ayaa halkaasi ka soo gaaray bilowgii fikradiisa burburinta PL, 2023kiina dagaalo hubeysan & Musharaxiin ay Villada Soomaaliya bari taartay waa guuldareysteen.
Todobaadkii dibirta!
Puntland waxaa ka dhacay toddobaadkii ka hore soo afjaridii ciidan uu sheegay in gudaha PL uu ka qortay 1dii July madaxweynuhu, waana laga adkaaday qaarkood ayaa xaduudaha ka talaabay oo wali saldhiganla’a, qaarna Tiiraanyadii ayay walaahow ku jiraan, laakiin kooxda madaxweyne HSM waxay ka shaqeynayaan dib u amaamid la mid ah sidii Baladxaawo loogu yaacay amintii Raskambooni.
MW taga meel kasta oo looga adkaaday, haddana aan guul fileynin!
Xasan Sheikh wuxuu todobaadkan tagayaa Koonfurta Gaalkacyo, waana magaalo taariikh ku leh kal xukunkisii hore oo colaado ay shaqsiyadiisa la xariiriyey ay ka dhaceen, laakiin isla maalinkii uu kursiga Villada ka dagay horaantii 2017kii gadaashiis waa la nabdiyey, dadkuna waa is dhexgaleen, wada noolaanshaha & nabadda ayaana lagu tanaaday, taas oo ay Gaalkacyo maanta hormuud ku tahay, Hayeeshe hadda markii 1aad & taariikh ku qormaysa ayay ku noqonaysaa oo Madaxweyne Soomaaliyeed magaalo halkeed dhinac uu tago, Taas oo magaca Madaxweynaha aan si fudud looga tiri doonin, kana dhigaysa hoggaamiye maqaam ahaan booqanaya xisaab hoosaadkiisa, Waana dhigaal Taariikheed.
Socdaalkan madaxweynaha, waxaa ka horeeyey warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland oo ay si cad ugu sheegtay in u jeedadiisu ay tahay hurinta colaado & abaabul jabhadeyn dagaal ah oo kooxihii laga adkaaday lagu awood galinayo, taasi waxay kasii dhigan tahay in Villa Somalia aysan wali ka harin jidkii hore, si lamid ah waqtigii Raskambooni oo ay Balad Xaawo uga wareegtay.
Maxay PL uga hadashay Safarka HSM!
Dhawaan Gaalkacyo, waxay ahayd magaaladii ugu cukanayd ee ay joogeen ciidamo hubeysan oo sheeganayay in ay katirsan yihiin DFS, kana kasoo jeeda PL, sida uu madaxweynuhu kudooday, waana halkii horey loo qorsheeyey in laga dumo duulaan weyn oo kuwajahan deegaanadaas oo afar meelood ka bilaaban lahaa isku mar sidii aan tabinay bishii June, waa aagii laga dajiyey hub badan hayeeshee gacanta Puntland ayuu galay, sida ay sheegeen warsaxaafadeedyo kasoo baxay Taliska ciidamada Puntland, waana dharbaaxadii ugu xumeyd ee ku dhacday dhabanka madaxweynaha aan dagaalada ku guuleysan laakiin isku dayga badan.
Dad badan oo faaleyn ka bixiyey safarkan & go`aanka Puntland waxay kusoo koobeen 2 ujeedo oo kala ah.
In HSM lagu koobo Koonfurta, lagana doodo imaanshihiisa maxaa dhacay, taas oo ka dhigan in lagu qasbo in uu yoolkiisu ahaado Galmudug, waana mid dilan siyaasadeed ku ah Xasan Sheikh.
Iyo Tan 2aad oo ah in bulshada Galmudug ee Koonfurta Gaalkacyo looga mahadceliyo iska diidii baritaaridii duulaankii Villa Somalia, markalena laga dhexsaaro ajendayaasha wali qorsheysan oo ay kamid yihiin abuurida xero lagu aruuriyo ciidamadii kasoo haray kooxihii ay Puntland sheegtay in ay ka adkaadatay.
Maxaa qorsheysan hadda!
Ilo xogogaal ah oo ay la hadashay GaylanMedia, kuna dhow madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegaya in socdaalkan 2 ujeedo ay Villa Somalia ka leedahay mid kamid ah waa in madaxweynaha lagu dhiirigaliyey in tagida Gaalkacyo safar dhulka ah ay xujo ahaan ka furi karto u kala safarkii Siciid Deni ee Garoowe ilaa Gaalkacyo oo Taswiir la helo, & Tan 2aad oo ah dadka deegaanka Koonfurta madaxweynuhu ka dalbado in ay mashruuciisa taageeraan oo ay gabaad siiyaan kooxaha kasoo horjeeda Puntland ee hadda dibadjooga ku ah Galguduud, si looga dhiso halkaas saldhig tababarka maleeshiyaadka ah oo dib looga dumi karro dagaal kale.
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa habeeno kahor ugu mana sheegtay qaar kamid ah saaxiibadiisa beesha dhexe ee Galmudug, in uu beesha Koonfurta Gaalkacyo siiyey xilka madaxweynaha Galmudug, ayna tahay in ay qorshihiisa taageeraan, hayeeshee durba odayaal dhaqan oo layaqaano ayaa diiday in ay nabadgalyo darro u xambaariyaan gobalka & magaaladan xasaasiga ah.
UGU DAMBEYN: Safarkan ayaa la mid noqonaya isla kii Kismaayo oo ay ka dhalatay Balad Xaawo, Madaxweynaha ayaana kusifoobaya hoggaamiye ay tillaabooyinkiisii siyaasadeed iyo kuwii milatariba dib u dhac ku keeneen, haatanna wajahaya culeys ballaaran oo kaga imaanaya diidmada shacabka deegaanka iyo culeysyo is-biirsaday oo uga imaanaya madaxda maamul goboleedyada.