Skip to main content

Soomaaliya/News

Xasan Sheikh | Yaa xoreeyn dagaal u baahan, Puntland mise Aadan Yabaal, Masjid Caligaduud & Cowsweyne?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) - Halkan waa Balcad oo 36KM u jirta Muqdisho, u safarkeeda waa halis amni oo sareysa ayna adag tahayba, Tana waa Jowhar, 90KM kaabiga kuhaysa caasumada Muqdisho, baabuurka safarka ah 2 saacadood wax ka yar ayuu kutagijiray barisamaadkii laakiin hadda majirto, 11kii bishii June madaxweyne Xasan Sheikh ayaa tagay, Boqolaal Askari oo hub nooc kasta leh qaatay ayuu iska hormariyey si halkan u tago waxaa u wehlisa adeegsiga diyaarado Boqolaal kun dollar lagu kharash-gareeyey oo geeyey, Ila dhugo halkana waa AadanYabaal 138KM ayay u jirtaa Jowhar oo ay hoostagto, waxay ahayd Taliska ugu weyn ilaa Galguduud laga siiyo saadka ciidamada, 15 bilood ka hor oo ku asteysan April 2025-kii ciidanka dowladda oo dhan 2 guuto iyo kalkoos oo ay kujiraan taliyayaasha xoogga ilaa qeybaha milaterigu wey kasoo carareen, wax loogu yeeray xeelad milateri ilaa maantana gacanta dowladda waa ka maqan tahay, Haka reebin magaca caan baxay Masjid Cali Gaduud oo 3dii sanno ee na dhaafay, toban jeer ka badan ayaa la kala qabsaday, Madaxweynuhuna si gaar ah ugu dabaaldagay 40KM ayey jiraa degmada Cadale ee isla gobalkan Shabeelaha Hoose, dhammaan sadexdan deegaan marka laga hadlayoh hab deegaameedka Soomaalida, waxaa degan oo haysta aqbaliyadda waa jifo hoosaadka madaxweynaha, Hub nooc kasta, Malaayiin Dollar oo dhaqaale ah & dhiiga Boqlaal Askari oo loo huray xoreyntooda, Maanta waxaa ka arimaya kooxo Argagixiso, raasamaalka lahayana ma’aha kii ay dadka deegaanadan ka filayeen Madaxweynihii ay u xafladeeyeen imaanshihiisii xukunka.

Super Admin·2 months ago·3 daqiiqo akhrin8001
Xasan Sheikh | Yaa xoreeyn dagaal u baahan, Puntland mise Aadan Yabaal, Masjid Caligaduud & Cowsweyne?
Ka rog oo halkan ila dhugo waa Puntland kasoo dhaqaaqida Baargaal oo kutaala cirifka u dambeeya ee ay ku kulmaan 2da Badood Soomaaliya ay leedahay ilaa aad kasoo gaarto magaalada Gaalkacyo waa masaafo dhan 1000KM, ma jirto ciidan Shisheeye oo kusugan, mana jirto halis amni darro, kala xirnaansho, si deganaan ah ayaadna ku safraysaa, taas oo ku timi Isku tashi dadweyne & hanaan maamul oo la doorbiday adkeyntiisa. Tani waa Raskambooni, kuwana waa BaladXaawo & Doolow dhammaantood Jubbaland ayay ka tirsan yihiin hub iyo dhaqaale Malaayiin Dollar ah ayaa madaxweynaha looga qaaday in damaciisa looga hirgalinayo oo Axmed Madoobe laga adkaantyo, sadexdan degmaba midkoodna ma joogin kooxo Argagixiso oo lala dagaalamo, ujeedooyin siyaasadeed ayay dowladda Faderaalka ugu duushay laakiin dheeftii ay fileysay midna kama helin, Doolow waa go’odoon 2 sano iyo dheeraad sabab la xariirta ku caro burburka kooxda madaxweynaha, Raskambooni xadka ayaa laga talaabiyey ciidan loo daabulay oo sawirkan oo aan taariikhda madaxweynaha ka hari doonin ayaa lagu xisaabxiray, BaladXaawo maalmo ka dib waa lagu kala baxayaa oo saraakiishii MW lacagta iyo hubka siiyey ayaa dib uga maagtay qorshe aysan asalkiisa laheyn, waa jab kale oo kayimi Jubbaland. Puntland, Madaxweyne Xasan Sheikh 16kii bilood ee lasoo dhaafay siyaasiin iyo dhinacyo kasoo jeeda ayaa ka qaatay Hub & boqolaal Kun oo dollar, iyagoo u sheegaya in ay abuurayaan ciidamo u daacad noqonayao damaciisa, laakiin dadweyne rayid ah ayaa loo diwaangaliyey oo mobiladooda lacagtu ugu dhacaysay, sida uu kudhawaaqay bishii October 2025-kii, markalena kuceliyey bilowgii bishan Luulyo wuxuu isku dhufsanayay xisaab aan waaqaca heshiis la aheyn, dad badan ayaa is weydiinaya sababaha Puntland oo nabad ah ciidan loogu abuurayo, hub loogu qaadayo, dagaalna looga rabo in looga rido, iyadoo madaxweynaha ay deegaanada jifo hoosaadkiisa ee kudhow caasumada Muqdisho ay baahida u weyn u qabaan sidii kooxaha argagixiso looga xoreyn lahaa, loona galin lahaa hantida lagu qasirayo deegaano nabad ah oo aan madaxweynaha waxba dheef siyaasadeed ah uga soo kordhineyn. NABAD AHAAN MAYSID! Kaaf iyo kala dheeri, ayay dad badan kusifeynayaan waaqaca horyaala madaxweyne Xasan Sheikh & dhalanteda maskaxda ka burqanaysa, hayeeshee qorshaha qorida ciidan gudaha Puntland & ujeedada ka dambeysaba waxaa lagu tafsiirayaa aragtiyo horey loogu fashilmay oo soo bilowday qaranjabkii ka dib, kuwaas oo aan ilaa hadda guul marnaba laga gaarin, ahna markii 3aad ee Xasan Sheikh oo xukunka Villa Somalia joogaa isku dayayo oo kama dambeysta ay tahay in meesha laga saaro nidaamka maamul ee dadka deegaanadan ay dhisteen 28 sano kahor, si ay nabad u helaan uguna xukun tagaan. Saaxiibada madaxweynaha oo ay ku jiraan wasiirada loo yaqaano kooxda Idman, ee sheega in aysan RW ka amar qaadan ayaa dhawaan u sheegay dhalinyaro ay kula kulmeen Muqdisho, in sii haysashada xukunka ee kooxdooda ay halis ku yihiin Puntland & Jubbaland, laakiin cida koowaad ee ay tahay in laga takhaluso ay tahay nidaamka Garoowe oo ay sheegeen in uu baritaari karro kan Kismaayo, walaw aysan aheyn markii 1aad ee ajendaha miiska yimaado haddana dheef ka gaaridiisa waa adag tahay, ayay dad badan qabaan. Yaa mudan Masjid Cali Gaduud, Jubbaland & Puntland! Siyaasiinta madaxweyne Xasan Sheikh ee la wadaagta xisaab hoosaadka qabaliga ah ee taageersan ayaa si xoogan u dhaliilsan qorshaha siyaasiin ilaa askar aan waxba u tari karin damacooda lagu cayilanayo oo lagu siinayo hub iyo hanti dhaqaale oo ay ka mudnaayeen dadka deegaanada beeshooda, oo ay haystaan kooxa argagixiso oo ay ahayd in laga xoreeyo, qaarkood ayaa sheegaya in hub siintii BaladXaawo, Raskambooni & Puntland wax laga faa’iidayo ay tahay in dib iyaga uu caqabad ugu noqonayo. Madaxweynaha, hadda Tuute gashiga ayuu markale u laabanayaa, laakiin waaqaca heshiis taasi lama ah oo miisaaniyad kubixinta dhinacyo aan dhankiisa waxba ku kordhineyn, waxaa la aaminsan yahay in ay siyaasiyan & xagasha amnigaba uga mudan yihiin deegaanada jifo hoosaadkiisa oo ay ka talinayeen kooxo ay Puntland waqti hore kasoo adkaatay. Sadex isku day oo madaxweynuhu isku dayay in uu 60kii cisho ee lasoo dhaafay Puntland dagaal uga ridaba kuma guuleysan oo waa laga hortagay si salmi ah, qorshihii abaabulkiisa, taas waxay ku abuurtay is weydiimo cusub, kooxdiisa hoose-na waxay hadda su`aalo kasoo celinayaan karaanka dhinacyo badan oo ay maalgalin ilaa ku heyn xilal u sameeyeen dheefna aan u keenin. UGU DAMBEYN: Madaxweyne Xasan Sheikh iyo kooxdiisa saami qeybsi hoosaadka la wadaaga lana leh talada hadda waxaa horyaala dhabta ah in xoogga, xabbadaha iyo xoola siinta dhinacyo aan kafadooda waxba ku kordhineyn ay uga mudan yihiin ka xoreynta deegaanada beeshooda ee maleeshiyaad ay Puntland horey uga soo adkaatay.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.