Skip to main content

GALKA AMNIGA/Breaking

Faahfaahinta dagaalkii Leego galabta ka dhacay.

LEEGO(GAYLAN-MEDIA)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa iska horimaad saacado qaatay oo ka dhacay inta u dhaxaysa Leego & Iidow Jalaat ee gobalka Shabeelaha Hoose, halkaas oo ay markale isku wajaheen ciidamada xoogga dalka iyo kooxda AS, sida ay sheegtay dowladda Faderaalka kooxaha ayaa la gaarsiiyey khasaare xoogan ilaa ay Wasaaradda gaashaandhiga shaacisay in ay dishay Labo kamid ah madaxda kooxdaas ee deegaanadan dagaalkeeda u qaabilsanaa.

Senior Desk·7 days ago·3 daqiiqo akhrin14610
Faahfaahinta dagaalkii Leego galabta ka dhacay.
Ilowareedyo dhinaca amniga ah ayaa sheegaya in howlgalka ay qaadeen ciidamada Xoogga, gaar ahaana qeybo katirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran "DANAB" oo qorshuhu ahaa in ay gaaraan halka ugu shisheysa ee ciidanku tagi karaan, gaar ahaana halkii Jameeco ee todobaadyo kahor uu ka dhacay dagaalkii xooganaa ee khasaaraha ka tagay, hayeeshee wali ciidanka ayaa gaarin hadafkii howlgalka saaka loo qaaday. Sida ku cad taarar ciidan oo la wadaagay ayna heshay Gaylan Media, khasaaraha howlgalkii saaka ka dhashay ayay kamid yihiin baabuur ciidan, agabyo milateri oo ay kamid yihiin diyaarad Drone nooca sahanka ah, waxyeelo gaartay & Askar uu sarkaal sare kujiro. Saraakiil amni oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay faahfahin dheeraad ah bixiyaan.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.