Skip to main content

GALKA AMNIGA/Breaking

MW Xasan oo amray xiritaanka Madax sare oo katirsan ciidanka Xoogga dalka, Sabab?

MUQDISHO(GAYLAN- MEDIA)- Fashilkii Howlgalkii Banooda ee aan horey u baahinay ka dib madaxtooyada Soomaaliya ayaa kujahawareertay nooca looga jawaabcelinayo, iyadoo diwaanada khasaaruhu ay muujinayaan marxalad aysan wali xataa hoggaanada ciidamadu go`aan kama dambeys ah ka gaarin, sidoo kale waxaa la mamnuucay in qaar kamid ah madaxda ciidamada ugu sareeya lala wadaago macluumaadka dhinaca howlgalkan ilaa khasaaraha ah, sida ay xaqiijiyeen ilowareedyo xilkas ah, Tan oo keentay in xabsigalin laga shaqeeyo.

Senior Desk·3 days ago·3 daqiiqo akhrin706402
MW Xasan oo amray xiritaanka Madax sare oo katirsan ciidanka Xoogga dalka, Sabab?
Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulamo la yeeshay qaar kamid ah saraakiisha Hay'addaha amniga iyo xubno katirsan guddiga Amniga Qaran, iyadoo laga hadlay sida ay dowladdu u wajahayso marxaladda cakiran ee hadda taagan. Sida ay ogaatay Gaylan Media, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kulan uu la yeeshay xubno sare oo ka tirsan guddiga Amniga & Taliska ciidanka amray in la xiro xubno sare, iyadoo lasoo bandhigay fadeexado ka dhashay weerarkii Jameeco-Leego oo dowladda ku riday hanjabaad siyaasadeed ilaa mid amni, markii ciidanka dowladda ay kuguuldareysteen in ay qabtaan Buurhakaba, howlgalkii Banooda oo qorshuhu ahaa 14 maalin in lagu soo afjaro. Taliyihii madaxa 2aad ee howlgalka oo Baydhabo kusugnaa ayaa diyaarad looga soo qaaday halkaas, xogaha ayaana sheegaya in xabsi loo wado, xili talityihii madaxa 1aadn ee howlgalkan isna ku xiran yahay Muqdisho, sidoo kale waxaa la xiri doonaa mid kamid ah saraakiisha u sareeya ciidanka xooga dalka oo sadexdaba loo haysto Malaayiin Dollar oo laga sameeyey fashilka howlgalkii Banooda. Madaxweynaha ayaa lala wadaagay baaxada khasaaraha Leego, cadeymo ay heshay Gaylan Media ayay ka dhexmuuqdaan in howlgalka agaasinkiisa ka sokow, haddana ay fashilkan lug ku leeyihiin Taliyayaasha sare ee xoogga dalka, waxayna sababtay in qaarkood durba xabsi guri laga dhigo. Xubnaha hadda loo diyaarinayo xiritaanka waxaa kujira xubno ay magacaabeen golaha wasiiradda, iyadoo lagu eedeynayo in ay qeyb ka ahaayeen fashilka amni ee ka dhacay Leego, gaar ahaana arrimaha ciidanka dhulka, sida ay xaqiijinayaan ilowareedyo xilkas ah, taas oo haddii ay dhacdo ka dhignaanaysaa in dowladda gudaheeda ay laacdamayso.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.