Villa Somalia oo la timi DRONE Is-qarxinaysa, Yaa loo adeegsanayaa?
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Xilli xaaladda siyaasadda Soomaaliya ay marayso meel xasaasi ah, lagu heshiin la’yahay doorashooyinka oo ay dowladdu muddo dhaaf tahay 2da dhinac isku taagan yihiin, haddana ficillada kamuuqda Madaxtooyada Federaalka ayaa muujinaya diyaargarow dagaal oo ay ku doonayso in ay uga hortagto haddii ay mucaaradka Muqdisho isku dayaan in ay diideen damacda doorasho.
Saraakiisha Hay’addaha amniga ayaa markale la siiyey amaro dheeraad ah oo la xariira in ay mucaaradka dhaqdhaqaaqooda la socdaan, todobaadyo uun markii ay fashilmeen isku day dowladdu ku doonaysay in ay guryaha mucaaradka qaarkood ku gasho, xubnaha mucaaradka qaarkood ayaa tagi waayey, taas oo caqabad noqotay.
Hadda sida ay ogaatay Gaylan Media ayna cadeynayaan muuqaalo & Dokumentiyo qoraal ah oo aan helnay dowladda Faderaalka ayaa 5tii bilood ee lasoo dhaafay soo gadatay tobanaan diyaaradood oo ah nooca is qarxiya ee Drone, gaar ahaana 3 nooc oo ay kujirto Sancada is qarxisa ee aan soo laaban, si gaar ah kuwa khasaaraha badan geysta, June sannadkan ayay ahayd markii tii 1aad loo isticmaalay guri uu daganaa RW Xasan Kheyre ayna la joogeen Isimo dhaqan & Siyaasiin caan ah.
Shixnadan hubeed ayaa raxantii u horeysay soo gaartay dalka 3dii todobaad ee u dambeeyey ayaa la dhigay xarun kutaala gudaha garoonka diyaaradaha, oo ay leeyihiin xubno ku dhow madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana la qorsheynayaa in ay qeyb kanoqdaan howlgal la diyaarinayo oo loogu talogalay in looga hortago isku day kasta oo dowladda doorashadeeda caqabad kunoqon kara.
Mid ka mid ah keydadka dowladda ee kudhexyaala garoonka diyaaradaha oo lageeyey Shixnadan ayaa amnigiisa sare loo qaaday, todobaad kahor ayayna ahayd markii laga shakiyey mid kamid ah albaabada garoonka oo xili habeen ah laga qaaday ciidamada ilaalada ee Shisheeye, taas oo aan ilaa hadda jawaab loo hayn.
Xogo amni oo la wadaagay ayaa muujinaya in dowladdu isku diyaarinayso in ay kahortagto haddii ay dhacaan rabshado hubeysan oo mucaaradkeeda ay kudiidan yihiin qabashada doorasho hal dhinac ah, iyadoo madaxweynaha uu wali u sheegayo saraakiisha amniga qaadida talaabooyin dheeraad ah.
Dagaalkii Banooda ayaa muujiyey in Drone-ta ay Soomaaliya u taalo si ka baxsan filasho kasta oo la qabay, iyadoo wali xogo dheeraad ah kasoo baxayaan sida loo kala haysto, maadaama ay xataa gashay gacanta Al Shabaab.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.