Skip to main content

Soomaaliya/Breaking

Baraawe & Shalanbood | Maxay muhiim u yihiin, Maxaa kusoo fool leh Sh/Hoose, Bixitaanka AU ka dib?

BARAAWE(GAYLAN-MEDIA) – Ka bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo ku wareejinta saldhigyada ay muddada dheer ku sugnaayeen Ciidanka DFS, waxay furayaan marxalad cusub oo ku saabsan mustaqbalka amniga dalka, Isbeddelkan wuxuu si gaar ah muhiim ugu yahay gobolka Shabeellaha Hoose, oo ka mid ah deegaannada ugu xasaasisan dhinaca amniga, dhaqaalaha iyo isku xirka gobollada koonfurta Soomaaliya.

Senior Desk·yesterday·3 daqiiqo akhrin2.5K526
Baraawe & Shalanbood | Maxay muhiim u yihiin, Maxaa kusoo fool leh Sh/Hoose, Bixitaanka AU ka dib?
Muhiimadda juqraafiyeed Baraawe! Baraawe waxay ka mid tahay magaalooyinka taariikhiga ah ee Soomaaliya, waxayna ku taallaa xeebta Badweynta Hindiya, muhiimaddeedu kuma koobna oo keliya tirada dadka ku nool ama baaxadda magaalada, Taas macnaheedu waa in magaalada ay leedahay muhiimad siyaasadeed oo ka duwan magaalooyinka kale ee Shabeellaha Hoose, Joogitaanka dowladda, hay'adaha maamulka iyo awoodda amni ee magaalada waxay saameyn ku leeyihiin muuqaalka dowladnimada ee gobolka. Horey ayay u ahayd magaalo madaxda kooxda Al Shabaab, ka hor intii aan laga qabsan duufaantii howlgalkii Indian Ocean 2014kii, waana mid kamid ah goobaha ay sida ugu haminayaan kooxdu waqti xaadirkan, dekeda macmalka ah iyo xeebaha furan ayaa inta badan u ah goobaha ay isku dayaan in ay kala dagaan agabyada hubka ee ay kasoo gataan Suuqyada dalal Shisheeye oo ay Yemen kamid tahay. Sida ay xeeldheerayaal amni qabaan hoggaamiyihii hore ee kooxdan Axmed Godane ayaa u saadaaliyey kahor dhimashadiisii Baraawe in ay noqoto xarunta ugu weyn ee kooxdooda, isagoo xiligaas ku dooranayay sida macluumaadka xaqiijinayaan labo arrimood oo kala ah Xeebta furan ee mar kasta lagu safri karro iyo daganaanta qabaa`ilada qaarkood ee deegaanka, waana sababta u weyn ee Shabeelaha Hoose aysan marnaba kooxda Al Shabaab uga dhammaanin si lamid ah gobalada kale. In ka badan 3 jeer ayay dowlado Shisheeye damceen in ay saldhigyo milateri ka sameystaan, Masar ayaa isku dayday mase suuragalin, hadda waxaa la qorsheynayaa ka abuurida aag diyaaradaha Drone-ta ee Turkidu ay isticmaalan, si loo ilaaliyo badqabka amniga caasumada, waxaana Ankara ay u aragtaa halis weyn haddii ay magaaladan kudhacdo gacanta Al Shabaab. In ka badan 4 urur oo ciidan ah ayaa la geeyey magaaladan oo la wareegay masuuliyada amniga, laakiin waa go’odoon Baraawe aan dhulka cidna ka galin, Badda iyo Hawada ayaa furan sida muuqata, 30kii March ee sannadkan dowladda Faderaalka amintii ay ku duushay dhinaca Laftagareen magaaladan ciidamadii u joogay ayaa ku baxsaday Badda ilaa ay iska dhiibeen magaalada Kismaayo, taas ooh adda muujinaysa in ciidan kasta oo lageeyo saadka u marayo hawada & Badda uun, tan oo culeys amni ku ah dowladda Faderaalka. Kaabiga magaaladan ama miyigeeda dhulka ah ee furan kooxda Al Shabaab ayaa joogta, in ka yar 20KM ayayna u jiraan goobo la tuhunsan yahay in ay saldhigyo ku leeyihiin, bixitaanka ciidamada AU ayaa cabsi laga qabaa in uu dhiirigalin siiyo kooxahan, si lamid ah waqtigii ay Maxaas ka baxeen ciidamada Itoobiya oo ay maalmo ka dib la wareegeen maleeshiyaadka kooxdan. Laakiin dhinaca amniga, xeebtu waxay sidoo kale leedahay caqabado u baahan ilaalin joogto ah. Amniga xeebaha, la socodka dhaqdhaqaaqa badda iyo ilaalinta xarumaha muhiimka ah waxay u baahan yihiin ciidan leh awood iyo agab ku filan, dowladda Faderaalka karaanka xoogan ee halkan ma laga filayo, sababtoo ah ku jirideeda dagaalada siyaasadeed, waxaa u raaca tiradda ciidamada.
3- Shalanbood: Muhiimadda isku socodka iyo amniga gudaha gobolka! Shalanbood waxay muhiim u tahay isku socodka Muqdisho, Marka iyo deegaannada kale ee Shabeellaha Hoose, waxay ku taallaa marin muhiim u ah gaadiidka, ganacsiga iyo isu socodka shacabka. Dhanka amniga, Shalanbood waxay toos u taabanaysaa ilaalinta marinnada isku xira magaalooyinka Muqdisho ilaa Shabeelaha Hoose, la wareegidda saldhig ciidan keliya kuma filna, SNA waa inay awood u yeelataa ilaalinta magaalada iyo deegaannada ku xeeran, taas oo ah meesha ugu weyn ee laga eegi doono.
BIXITAANKA AU! Ciidamada Midowga Afrika waxay Soomaaliya joogeen ku dhowaad labaatan sano, hadda ayay bilaabeen marxalad kala-guur amni, iyadoo masuuliyadda saldhigyada qaarkood lagu wareejinayo ciidamada DFS. Dhammaadkii Oktoobar 2026, masuuliyiinta amniga ee Soomaaliya waxay sheegeen in ciidamada AU ay qorsheynayaan inay baneeyaan dhowr goobood oo Shabeellaha Hoose ah. Dhanka kale, Uganda waxay shalay shaacisay in ay bilowday dib-u-celinta ciidamadii Soomaaliya uga joogay heshiiska laba geesoodka ah. In SNA ay awood u leedahay inay buuxiso booska AU, wali su`aal ayaa ka furan, Tani waxay ku xirnaan doontaa tirada ciidamada, agabyada saadka, sirdoonka iyo isku-duwidda hay'adaha amniga, iyadoo lasii og yahay in jidadka magaalooyinkan oo dhan ay AL Shabaab joogto. Waxaa sidoo kale jirta khatar ah in Al-Shabaab ay ka faa'iidaysato meel kasta oo uu ka dhasho farqi amni, wareejinta saldhigyada keliya kuma filna waxaa lama huraan ah awood ciidan oo joogto ah iyo qorshe amni oo mideysan, laakiin dowladda Faderaalka kala qeybsanaanta siyaasada ayaa ku haysa jahawareer weyn.
5- Maxaa laga doonayaa dowladda Soomaaliya? Si wareejinta saldhigyada AU ay u noqoto mid miro dhal ah, dowladda Federaalka waxaa horyaalla dhowr masuuliyadood oo muhiim ah. 1- In ay diyaariso qorshe cad oo wareejinta amniga ah, Waa in la ogaadaa tirada ciidamada la wareegaya, awooddooda iyo cidda masuulka ka ah taliskooda. 2- Waa in la xaqiijiyaa saadka ciidamada. Askari aan haysan mushaar, raashin, shidaal iyo adeeg caafimaad ma noqon karo ciidan muddo dheer ku sii shaqeeya goob adag. 3- Waa in la xoojiyaa xiriirka shacabka. Dadka ku nool Baraawe, Shalanbood iyo deegaannada kale ee gobolka waa inay dareemaan in ciidamada dowladda ay u joogaan ilaalintooda. Kalsoonida shacabka waa qayb muhiim ah oo ka mid ah amniga. 4- Waa in la ilaaliyaa isku socodka dhaqaalaha. Waddooyinka isku xira Muqdisho, Marka iyo deegaannada kale ee gobolka waa inay noqdaan kuwo ay shacabka iyo ganacsatadu si ammaan ah u isticmaali karaan, lana burburiyo Isbaarooyin tiro beel ah oo la dhigay. 5- Waa in la sameeyaa wada-shaqayn siyaasadeed iyo mid ciidan, Dowladda Federaalka, Koonfur Galbeed, ciidamada deegaanka iyo hay'adaha amniga waa inay yeeshaan qorshe mideysan, taas oo aan hadda saaxada ka muuqdan.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.