DEG DEG: Uganda ayaa si rasmi ugu dhawaaqday la bixideeda Soomaaliya, qeybii 1aad!!
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) - Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah u bilowday ka bixitaanka ciidamadeeda Soomaaliya ee ku jooga heshiiska laba geesoodka ah ee ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidamadii ugu horreeyay ayaa durba dib ugu laabtay Uganda, waxaana bixitaanka wejigiisa koowaad la soo gabagabeyn doonaa maalmaha soo socda.
Sida aan tabinay todobaad kahor, Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa isku dayay in uu madaxweynaha Uganda ku qanciyo joogida ciidankan, hayeeshee waa lagu guuldareystay, taas oo ugu dambeyntii keentay in ay kasoo baxaan afar goobood.
Uganda ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay dhammaan ciidamadeeda Soomaaliya kala baxdo, kuwa ku jira howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo kuwa kale, ugu dambeyn dhammaadka sannadka 2027.
Tallaabadan ayaa soo afjari doonta 20 sano oo joogitaan ciidan iyo taageero amni oo Uganda ay ka waday Soomaaliya, iyadoo mas'uuliyadda amniga dalka si buuxda loogu wareejinayo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
Kusimaha Agaasimaha warfaafinta ee asaaradda gaashaandhiga Uganda Col, Chris Magezi ayaa ku dhawaaqay go`aankan, isagoo sheegay in ay 20 sano Soomaaliya uga shaqeynayeen si ay ugu filnaato amnigeeda.
Uganda, waxay ciidamadeeda Soomaaliya ahaayeen tiro ka badan 6,000 Askari waxaana la saarayaa 2,000 Askari oo kusugnaa Shabeelaha Hoose.
Maalmo kahor, madaxweyne Xasan Sheikh ayaa guddiga difaaca ee baarlamaanka Uganda u sheegay in uusan madaxweyne ahaan karin haddii ay baxaan ciidamada Midowga Afrika.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.