Masar oo bilaabaysa dhexdhexaadin cusub, Yaa aqbali doona, maxaase dhacay?
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Sida ay ogaatay Gaylan Media, xubnaha Sirdoonka Masar ee dhawaan tagay Muqdisho aya xalay markale kulankii 2aad la yeeshay asaasayaasha madasha Samatabixinta ee Muqdisho, iyagoo la wadaagay in ay la kulmeen MW Xasan Sheikh kala hadleen dhexdhexaadin ay sameeyaan uuna ka aqbalay oo u qoordhiibtay, ayna dhankooda ka rabaan qoordhiibasho.
Xubnaha madasha ayaa kujawaabceliyey in la siiyo 2 maalmood oo ay jawaabtooda ugu soo celiyaan Sirdoonka Masar, waxaana ay xooga saarayaan in ay ogaadan waxyaabaha kasoo bixi kara kulamada Kampala oo ay Reer galbeedka qeyb ku leeyihiin.
Horey waxaa u fashilmay dhexdhexaadin ay bilo kahor sameeyeen Sirdoonka Turkiga, taas oo ay diideen Puntland & Jubbaland oo ku tilmaamay Ankara in aysan dhexdhexaad aheyn, lamana garanayo sida loo aqbali doono Qaahira oo si buuxda ula safan Ologa garabka u ah Xassan Sheikh.
Sida aan tabinay todobaadkii hore, Masar ayaa u dirtay Muqdisho xubno ka tirsan sirdoonkeeda, gaar ahaan sarkaalka u sareeya qeybta Afrika, isagoo la kulmay mucaaradka aad ula jilay maagida madaxweyne Xasan Sheikh, ilaa uu gaarsiyey ku tilmaamida hoggaamiye aan mowqif siyaasadeed lahayn, si kalsoonida mucaaradka u helo
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.