Skip to main content

Soomaaliya/Breaking

Maxay ka dhigan tahay xukuumadda cusub ee Galmudug "4 qodob"

DHUUSAMAREEB(GAYLAN-MEDIA)- Hirshabeelle, waa kala qaaran tahay oo Baladweyne gacanteeda kuma jirto, lamana sugayo, Koonfur galbeed waa aag dagaal oo kaliya ciidamo iyo saad la daabula ayaa ah wax ugu weyn ee laga hadlayo, laakiin Galmudug waa aaga kaliya ee maanta ka nabad qaba dowladgobaleedyadii ay DFS ka qabatay hanaanka doorasho ee aysan mucaaradkeeda aqbalsaneyn, soo bixidii iyo imaanshihii xukunka Dhuusamareeb ee Liibaan Axmed Xasan ayaana ahayd mid ku timi dibu heshiisiin ama heshiis siyaasadeed oo banaanka lagu gaaray, tan waxay meesha ka saartay in deegaankan maanta ay ka dhacaan ficilada kasocda Baydhabo, Baraawe ilaa Baladweyne.

Senior Desk·3 days ago·3 daqiiqo akhrin3000
Maxay ka dhigan tahay xukuumadda cusub ee Galmudug "4 qodob"
Sida aan faaleynay imaanshihii kursiga ee MW Liibaan Axmed, hadda golihiisa wasiiradda ayuu sii daayay, waxaana durba ka dhexmuuqda hanaanka loo xulay in uu ka duwan yahay hababkii horey ee Galmudug, gaar ahaana saami qeybsiga, tiradda, doorka dhalinyarada, ka qeyb noqoshada bulshada qeybaheeda kale duwan, waxaana lagu fasirayaa xukuuamdda cusub in ay tahay mid dibu heshiisiin iyo is qaadasho looga leeyahay, si wadar ogolkii doorashada iyo Is fahamsii siyaasadeed lasii wado, Mucaarad iyo muxaafidka heer Soomaaliya ay taabatay magacaabidan. XUKUUMAD laga wada dhex muuqdo! Gaylan Media, waxay ogaatay in golahan wasiiradda cusub ay ka dhigan yihiin Galmudug loo dhan yahay oo Soomaaliya qeyb lixaad leh ka qaadan kara daruufta siyaasadeed ee ay ku jirto, Doorka dhalinyarada 65% ayaa la xoojiyey, waxaana la magacaabay xubno magac leh, Liibaan markale magaciisa kama dhexsaarin in uu yahay siyaasi abaal gal ah, waxaana si siman golaha uga dhexmuuqda xubno la dagaalamay & Saaxiibadiis lasoo halgamay maalmihii kakanaa. Xisbiga wadaada ee Towfiiq oo horey doorashadii 1aad cabasho u keenay tii dambena aan galin ayaa golaha ka helay saami qeybsi ka sareeya filasho kasta oo la qabay, tiro ka badan 6 xubnood oo kayimi dhanka Ahlu Suna oo ay kujiraan xubno la yaqaano oo horey Soomaaliya diblumaasiyada caalamka ugu metelay ayaa kayimi dhankan, tan waxay Galmudug uga dhigan tahay dibu heshiisiin lasii adkeeyey. Sidoo kale xukuumaddii talada lagala wareegay ee MW Axmed Cabdi Kaariye ayaa waaya aragnimadooda aan latagin sida muuqata, waxaana liiska ka dhexmuuqda tiro ka badan 6 wasiir oo kasoo laabtay xukuumaddii hore, kuwaas oo uu foolaad u yahay Wasiirka maaliyada oo aan jagadiisa laga qaadin, tan oo la macno ah in laga maarmi waayay kartidooda, si loo xoojiyo karaanka Hay’addaha dawliga ah oo aan markale baylah laga dhigin tayada xubnahan, Liibaan ayaana ka sariigtay habdhaqanka Siyaasiinta Soomaalida lagu yaqaano ee ah kursiga Maaliyada in la geysto xubin daacad u noqon karta hoggaamiyaha kursiga jooga.
DIBU HESHIISIIN! Xukuumadda waxaa ka dhexmuuqda in beelaha deegankan ay hadda wadajir uga dhexmuuqdana liiska cusub ee golaha wasiiradda, gaar ahaana marka laga hadlayoh qaabdhismeedkeeda, iyadoo ay durba soo baxayaan in isbedeladu kaliya ay saameeyeen magacyada meelaha qaarkood, Tan oo ka dhigan ka dhabeynta in loo sinaanayo fursadaha maamulka. Maxaa horyaala! Xukuumaddan cusub ee Liibaan maanta magacaabay waxaa horyaala sida ay meelmar uga dhigi lahaayeen Galmudug horusocod ah, gudaheeda is aaminta Soomaaliyana wax ku biirisa, iyadoo fulinaysa balan-qaadyadii madaxweynaha ku galay ole-olaha doorashada, gaar ahaana qodobka ugu weyn oo ah dibu dhis iyo in la helo hanaan dibu heshiisiin loo dhan yahay, taas oo 100ka maalmood ee nagu soo wajahan laga eegi doona sida ay u dhaqaaqdo. MAGACAABIS UGA HARID MISE! UGU DAMBEYN: Mar kasta oo xil la magacaabo inta badan siyaasiinta Soomaalida ayaa ka eega uun xagasha saaxiibtinimada iyo iska indho tirid ay kujirto xeerinta saami qeybsi beeleed, hayeeshee Madaxweyne Liibaan marka loo eego balanqaadyadiisii xukunka oo ay u horeyso la dagaalanka Argagixisada ka dhigida Galmudug meel lagu soo hirto, waxaa horyaala kala doorashada labo jid La xisaabtn xukuumaddiisa ilaa u gudba golaha wakiilada ama magacaabis aan ka dabatag laheyn, tan oo dhalaysa in wax kasta oo la balanqaaday ay noqoto dhalanteed, dad badan ayaa saaxiib la ah Liibaan ayaa rumeysan inta hore ay ugu badiso mustaqbalkiisa siyaasiga ah & deegaankaba.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.