Skip to main content

Soomaaliya/Breaking

MW Xasan Sh muxuu gogosha wada hadal ka faa'iidayaa?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- 16kii bishan Madaxweynuhu wuxuu si aan gabasho laheyn u sheegay in aan Talada dhex la dhigeynin, cidna loo baahneyn doorasho qof iyo cod ah uu qabanayo, cadaadiska kadhashay hadalkiisa ayaa kaliftay in uu si jees-jees kamuuqdo maalin kahor u iclaamiyey gogol wada hadal oo loogu casumay isla shuraakooyinkiisa siyaasadeed iyo mucaaradka ay is hayaan qaarkood, oo ay kujiraan Puntland & Jubbaland.

Senior Desk·3 days ago·3 daqiiqo akhrin57700
MW Xasan Sh muxuu gogosha wada hadal ka faa'iidayaa?
HAL UJEEDO: Oo Villa Somalia ka rabto gogoshan! Kahor casumaadan, 3dii todobaad ee na dhaafay si aan gabasho laheyn ayuu madaxweyne Xasan Sheikh u casumay in ka badan 20 Isim oo ay kujiraan xubno kasoo jeeda Puntland, Somaliland & Jubbaland, wuxuuna ula bareeray in uu sheego rabitaankiisa ah in xildhibaanadooda uu ka qoranayo suuqyada Muqdisho ay siyaasadda faraha kala baxaan, damaciisa ka hor imaanin uuna siinayo wax kasta oo ay u baahan yihiin laga bilaabo dhaqaale, shaqaaleysiin shaqsiyaad & gaadiid aan xabadu karin, sida ay xaqiijiyeen isla xubnaha lala kulmay, Tani waa mid muujinaysa in aan MW marnaba qorshihiisa doorashada ka tanaasuleynin. In gogoshan uu iclaamiyo, waxay katimi iska jeedinta karka dibada gaar ahaana xulufadiisa & Museveni oo todobaad kahor u gudbiyey dhambaal ah in dalka uu galayo Dagaal Sokeeye loona baahan yahay wada hadal dhab ah, laakiin dowladdu uma darbana in ay cid la hadasho oo heshiis kagasho doonisteeda, sida kamuuqata Talaabooyinka ay qaadayso ilaa hadaljeedimaha dhabta ah ee madaxda. Fursad kale oo ay Villadu ka rabto waa in ay hesho hal sawir oo mideysan oo mucaaradkeeda ah, taas oo madaxweynuhu doonayo in uu kugaaro bisha March ee soo socota, kahorna ku helo kabka miisaaniyada dhaqaale ee ay dowladdu u baahan tahay, taas oo go`aan laga gaarayo dhammaadka bisha nagu soo wajahan, waana xeelad lamid ah kulamadii horey u dhacay.
MUCAARAD | Noloshooda ka dhex arka isla sawirada HSM haddana siran! Qaar kamid ah siyaasiinta mucaaradka ee Muqdisho kusugan una qeybsan 2 kooxood, qoondo wadaaga HSM & Kooxaha ay Villa Somalia u taqaan Dhib iyo dheef la’aan ee kasoo jeeda Saamiga PL & JL, waxay qarkood u arkaan in ay tahay in lala kulmo Birmadaha oo la aqbalo gogosha uu dhigay ee kuhagaajinta wajigiisa siyaasaded ah, waxay ka dhex arkaan aag ay ku noolan karaan, maadaama kala duwanaanshaha kala dhaxeeyaba uu yahay Doorasho uun, hayeeeshee 6 kulan in ka badan ayaa 20kii bilood ee lasoo dhaafay dhinacyadan layeesheen Villa Somalia kamana hayaan natiijo raandhiis leh, mar kastana iyaga ayaa xisaabta siyaasadeed loo jumleeyey, haddana dibirtii hore in ay wax ka barteen kama muuqato. Xubnaha mucaaradka ee aan kasoo jeedin beesha MW waxay qabaan in jiritaankooda siyaasadeed ay ku xiran tahay in HSM doorasho uun lagala heshiiyo, oo tiisa wax u dhow la aqbalo, taas oo kasokow in ay cimri siyaasadeed ka rajeynayaan, ay u dheer tahay in mugdiga Jamhuuriyada 3aad u arkaan aag fursadahooda kudhiman karaan.
PL iyo JL inay ka qayb galaan shirka Xasan Maxay ka dhigan tahay? Labadan maamul waa jihada kaliya ee loo arko in ay dib u badbaadin karaan dowladnimada Faderaalka, wey diideen damacyada Villa 3dii sano ee lasoo dhaafay, Hadda 5 qodob ayaa horyaala. Maxaa u furan 2 Axmed Madoobe & Siciid Deni? 1. In ka hor inta aan doorasho laga hadlin, dhabta loo dago Soomaalidu isku timaado ka tashato jihada la aadayo, tan oo ah in dowladnimada banaanka looga heshiiyo, gaar ahaan afarta qodob ee dib u eegista dastuurka foolaad u yahay, lana helo dammaanad qaad caalami ah. 2. Qodob kale oo 2da dhinac horyaala waa In la dhiso Dowladnimo cusub Iyo hanaan doorasho barbar socod ah oo XSM soo gole fariisin kartaa, sharciyadiisana dhulka dhigi karta, Miyirsina u noqonaysa hanaanka dowlad dhiska liidaya ee Soomaalida. Go’aanka ay qaataan Puntland & Jubbaland ayaa la eegi doonaa kahor 2da asbuuc ee u horeeya Bisha November, xiligaas oo ah waqtiga jadwaleynta mashruuca casumada Villa Somalia oo lagu garab wado sii wadida Shaqada doorashooyin heer Federaal ah.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.