Skip to main content

Soomaaliya/Breaking

MW Xasan Sheikh ma noqon doonaa macalinkii PHD ee jabhadaha abuuray?

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Dalku ma wuxuu u laabanayaa waqtigii jabhadeynta, Drkii waxbarashaduna ma isku bedelayaa hoggaamiye milateri oo aan darajadiisa ciidan la aqoonin, kala adkaanshaha naxooga saaraya, haddii aysan guuleysan weeraradii ilaa Puntland, ma waaqac ayay noqonaysaa in madaxweynuhu go`aansado ka adkaanshaha xeyndaabkiisa beeleed, mise wax kale ayaa naga qarsoon…Kala goys siyaasadeed oo aysan qariib aheyn in la cabiro jihada ay Soomaaliya afka saari karto ayaa hadda miisaska yaala, Drkii Xasan Sheikh maxamuud ee xagasha rayidkii siyaasadad kasoo fantay kalxukunkiisa 2aad wuxuu soo laabtay isagoo waayo-aragnimada uu dhaxlay ay tahay awood tijaabinta, xukun adkeysiga & isku sawirida hoggaamiye afgambi milateri kuqabsaday dal dhisan oo Afrika ah, dadka qaarkood halkan waxay ugu yeeraan waaqac-diid…Waana laysku khilaafsan yahay sida ay meelmar u noqon karto damaca madaxweynaha ee doorasho hal dhina cah, laakiin layskuma diidin in jidka la hayo uu dhalayo jabhado tiro beel ah & waqti u e’eg in dalku dib ugu laabtay 1979-kii markaas oo ahayd xiligii Jabhaduhu ay bilowdeen, lana diiday in xukunku hal gacan ku uruursanaado, anaa iriduna ay noqoto wax kaliya ee Soomaalidu ay filato, taasi waxay dhashay halka maanta la joogo oo Tafsiir badan uma baahna.

Senior Desk·5 days ago·3 daqiiqo akhrin32200
MW Xasan Sheikh ma noqon doonaa macalinkii PHD ee jabhadaha abuuray?
1- Baladweyne & Jabhad cusub! Halkan waa Baladweyne waa macruuf lagaranayo aminta laga hadlayo dirir dagaal iyo qori la qaato, 2022kii dadku waxay hub u hensysteen in ay Al Shabaab la dagaalamaan waa gaareen hadafkii laakiin waa la heyn waayay deegaanadii, taas oo qasab in ay heshiis lagalaan isla cadowgii ay boqolaal wiil iska dileen, dowladdu waxay ku mashquushay sidii ay halkan kuraas doorasho u adkeysan lahayd, balamo siyaasadeedna waa buren doorashada Hirshabeelle ayaa dhacday Baladweyne-se qeylodhaan diidmo ah ayaa kajirta, lama dhageysan lamana qancin, gobalkan waa muhiim waxaana ku dhow xaduuda Itoobiya la wadaagta Soomaaliya, halkaas waxaa ka furmay mucasarko ciidan, hadafku waa in beesha abtiyaasha u ah madaxweynuhu iska diideen in ay qeyb ka noqdaan geedi socodkiisa siyaasadeed, gaar ahaana aqbalka Natiijada doorashada ee Jowhar laga sugayo, waa furin dagaal oo u muuqaal e’eg waqtigii jabhadaha, taas oo ay horboodayaan qaar kamid ah kooxo siyaasaded ay HSM is fahamsan yihiin.
2- BAYDHABO: waa furin dagaal! Sannadkan sii dhamaanaya ee 2026-ku, uma ahayn sannad daganaansho dadka Koonfur Galbeed, Baydhabo ilaa Bakool colaad ayaa hulaaqday,halkii ay dadweynuhu naawilayeen in laga dhabeeyo qawlkii madaxweyne HSM oo afar iskaga dabalataay ahaana in mushkilada Al Shabaab ay ku hayaan bulshada laga dulqaado, waxaa u bedelay in ay kuqasbanaadan iibsiga badan gashaan hub cusub oo aysan kula dagaalameynin kooxaha Argagixiso, Sida dad badan ku doodaan karaanka dowladnimu waa goyn waayay in deegaanadan laysku furo, laakiin waa awooday in kumanaan Askari loogu daabulo halkan sabab la xariirta in xukunka xoog lagu kala qaato, lagana soo saro hoggaamiye taabacsan ajendayaasha Villa Somalia. 18 sano oo ay AS si buuxda u maamulayeen inta u dhaxaysa Buurhakaba & Baydhabo, dowladdu maalmo uun ayay ku qaadatay in kumanaan askari oo laga dhaqaajiyey Muqdisho ay la wareegaan taladii Baydhabo, maanta halkaas waa furin dagaal oo aan aheyn mida Argagixiso, sida dowladdu u taqaano marka dhinac loo dhigo mid xaqiiq ah waa in xukun siyaasadeed lagu dagaalamayo, noocii jabhaduhuna ay halkan markale ka muuqanayso, Laftagareen & kooxdiisu waxay isticmaalayaan xeelad kasta oo ay xanuun ku gaarsiin karaan HSM, waxay isku xirayaan jabhadihii deegaankaas qabsaday qaranjabkii & dowladnimada madaxweyne HSM.
3- MUQDISHO: wax weyn ayaa karsamaya! Inkasta oo madaxweyne HSM ku adkeysanayo in caasumada amni ka dhigay, Afrika magaalo madaxda hayso xukunka yahay, halkana uu ka rabo aag mucaaradkiisu aysan dhaqdhaqaaq ka sameyn karin, haddana sida ay qirayaan dadka la socda arrimaha amniga waxaa socda abaabul aan ka yareyn kan Baladweyne ilaa Baydhabo oo furin 3aad, hadafkuna waa in Birmadaha lagu qasbo wax uusan raali ka aheyn oo ah doorashada in uu dhexda dhigo ama uu noqdo Hoggaamiye kooxeed casri ah oo ay jidadka Waqooyiga isku bursadaan qaar kamid ah siyaasiinta ay saami qeybsiga wadaagan, todobaadyadii u dambeeyey culeys ayaa jiray ciidan dheeraad ah ayaa lagaliyey Muqdisho, in ay Drone lays kugu keensaday oo dhinac kasta guryaha ku haysto waa xog amni oo dhinac kastaba gaar u haysto.
4- MARKA: waa karsamaysaa! Walow dowladdu sheegayso in ay halkan dadka tabashada qabaa dowlado kale xariir la leeyihiin oo xitaa Isreal la gaarsiiyey oo ay warbaahinta ka sheegeen xubno sare oo moorada madaxweynaha ku jira, haddana Marka waa deriska ugu dhow Muqdisho, amarada Federaalka kaama shaqeyaan hadda dadka deegaanka qaarkood oo ka gadooday ficiladeeda ayaana qoriga qaatay sheegay in ay yihiin maamul gaar ah, walow oo si weyn loo maagay, haddana waa col udarban dagaal, waxay diidan yihiin in kheyraadkooda katalogalin & xisaab la’aan loogu wareejiyo Turkida oo doonaysa in ay qaadato deegaanka Gardanshe oo muhiimadiisu sareyso marka laga hadlayo hunguriga kheyraadka aan la hubin. Sidoo kale, hanaanka awood qeybsiga heer maamul oo Koonfur Galbeed ah in aan laga talo galin ayay sheegayaan, maalmo kahor qaar kamid ah xubno dowladdu dirtay oo amniga qaabilsanaa ayay dhaawacyo loo geystay oo maxaabiis loo qabtay, ciidan la dirayna waxay bilaabeen in ay shacabka cadaadiyaan, iyana waa baxeen taas oo kooxaha kacdoosan dadweynaha ku xirtay. Waa furin 4aad oo kaabiga ku haysa caasumada Muqdish, tan waxay ka dhigaysaa in xaaladdu aysan aheyn si kasta oo loo sahlanayo.
DR-kii JAMHADAHA ABUURAY! Xasan Sheikh Maxamuud, isaga oo xukunka haya ayuu qaatay darajada waxbarasho ee Dr-toirada, wuxuuna ku baramoosay Nabadda, maamul-wanaaga & Horumarinta, laakiin afartii sanno oo xukun heyn casri ah ahayd & shan bilood oo uu heshiis la’aan ku joogo, hoggaamintiisan cabsida ugu badan ayaa laga qabaa in uu noqdo hoggaamiyihii soo gabagabeynaya Jamhuuriyadi 3aad isagoo rayid ahna ay ku abuurmaan jabhado uu sababta dhismahooda ka shaqeeyey, taas oo haddii ay halkan dhaafto lagaran karro dhammaadka wax u noqonayo, iyadoo la dheeganayo Tagtadii hore oo timaadada la tisqaadaysa. MW makal abadbaadin doonaa Phd-da & Jabhado cusub abuurida!
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.