Skip to main content

Soomaaliya/Breaking

MW Xasan Sheikh oo mucaaradkiisa khiyaameynaya

MUQDISHO(GAYLAN MEDIA)- MW Xasan Sheikh oo ay ka fashilantay gogoshii uu iclaamiyey 14kii bishan ee ahaa in lays kugu tago Villa Somalia, si loo helo Taswiiro dunida loogu sawiro in madaxweynuhu ogol yahay wada hadalka ayna socdaan ayaa markale kudhexjira xubnaha madasha Samatabixinta ee Muqdisho.

Senior Desk·6 hours ago·3 daqiiqo akhrin2100
MW Xasan Sheikh oo mucaaradkiisa khiyaameynaya
Madaxweynaha iyo kooxdiisa ayaa bilaabay in ay isku dayaan in xubnaha qaarkood ay soo dhaweystaan, gaar ahaana kooxaha aysan qoondada wadaagin, iyadoo todobaadkii lahadlay mid ka kamid ah oo u arko in uusan dhib siyaasadeed kuqabin, ayna qorshihii qeyb ahaan dhinac iskala mid yihiin, si ay u riixaan is arag ka dhaca gurigiisa. Ujeedada Villa Soomaaliya, ayaa ah in madaxweyne Xasan Sheikh uu dhinacyada mucaaradka dhexda ugaliyo warka ah in wada hadalo furmeen, sawiro la qaado laysma arko, iyadoo dhinaca kalena guddiga doorashada ku amray sii wadida hanaanka, baarlamaankana u gudbiyey sharciga Liistadanama kuraasta xiran oo Muqdisho lagu xulanayo, tan oo lamid ah xeerarkii 2020-kii ee ay diideen mucaaradkii waqtigaas. Talaabdan hadii ay kudhacaan mucaaradka Madasha Samatabixinta ayay utahay madaxweyne Xasan Sheikh faa’iido siyaasadeed oo cimri dherersi ah, waana waayo cadaadisyada saaran dowladdu u aragto in ay dheef kahelayso iyadoo shaqadeeda doorashada wadata. Madaxweynaha ayaa si xoogan u sugaya gaarida 15ka April 2027-ka oo ah maalinka qorsheysan in Xildhibaanada baarlamaanka la doorto, isagoo habeeno kahor u sheegay guddiga Culumo ah in uusan ka laabaneyn jidkan doorasho.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.