Siciid Deni oo ugu baaqay Xasan Sheikh in uu is casilo!
GAROOWE(GAYLAN-MEDIA)- Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo la hadlayay PLTV ayaa ugu yeeray MW Xasan Sheikh in uu is casilo, maadaama uu sheegay in uu kufashilmay jihada siyaasadda ee dalka, isku hayn waayay, isagoo rajo xumo ka muujiyey geedi socodka siyaasadda dalka.
Siciid Deni ayaa sheegay in ay Puntland waligeedba dhaqaale, waqti iyo dhiigba ku bixinaysay sidii loo heli lahaa dowladnimo Federaali ah oo ay Soomaali isku raacsan tahay, taasna ay ka shaqeynayso oo ay jid kasta u marayaan sidii loo hirgalin lahaa.
Madaxweynaha Puntland ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xasan Sheikh uu jihada dalka khalday, sidoo kalena hadda xaaladdu ay kala tag gaartay oo jidka kaliya u furan yahay in uu is casilo oo xukunka ka tago, dalkana u tudho si uusan u kala burburin, loona badbaadiyo Jamhuuriyadi 3aad.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.