Turkiga oo doonaya in xilalka laga qaado xubno wasiiro iyo Agaasimayaal ah!?
Sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u sheegeen Gaylan Media, Madaxweyne Xasan Sheekh ayay Turkidu u gudbiyeen dalabkooda la xiriira in isbeddel lagu sameeyo Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee DFS, iyagoo ka cabanaya in xubnaha wasaaraddu ay la shaqeyn waayeen shirkadda SOMTURK oo ay Muqdisho u oggolaatay inay qabato howlihii ay dowladnimada Soomaaliya qaban lahayd.
Maalmo ka dib, isku-shaandheyn qorsheysan ayay wararku sheegayaan in lagu saarayo xubnaha ay Turkidu ka cawdeen, iyadoo wasiirku bilaabay dadaal is-muujin ah iyo in dacwadda loo wareejiyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaraddan.
Turkiga ayaa ka careysan in shatiyo ganacsi oo kalluumeysi, oo aysan ogeyn, la siiyey shirkado kala duwan oo ay ku jiraan kuwa Shiinaha laga leeyahay, dacwaddooda ayaana sababtay in mas’uuliyiinta qaarkood shaqo-joojin uu ku sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Shirkadda SOMTURK oo laba sano ka hor, sida aan tabinnay, loo unkay si dhaqaale ay uga sameyso kalluunka Soomaaliya ku jira, looguna quudiyo askarta howlgabka ah ee Turkida, ayaa wajahday caqabado ay ka mid yihiin in aagga kalluunka muhiimka ah laga helo ay geli waayeen.
Puntland ayaa hore uga digtay ficillada dhaxal-wareejinta kheyraadka, gaar ahaan shirkaddan SOMTURK oo ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ganacsato dillaaliin ah oo Soomaali ah.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.