Qeyb ahaan qorshahan Villada waa fushay oo dowlad gobaleedyada Hirshabeelle, Galmudug & Koonfur Galbeed waxaa laga dhigay salaada qaliinka ee lagu tijaabiyey rabitaanka doorasho ee HSM, iyadoo ay xaadir yihiin siyaasiinta kasoo jeeda oo aan ka dagaalamin, tan waxaa lagu fasiray halka koowaad ee madaxweynuhu kasoo ikhtiraacay in uu cid kasta ka adkaan karro.
Hadda is weydiinta ugu weyn ee suuqa siyaasadda taala waa Turkida & dhaqaalaha ay gacan 3aad ka keenayso, side ayay u ekeyn karaan Mustaqbalka Soomaaliya, mise ku hayn karaan HSM kursiga Villa Soomaaliya?
FARAGALINTA TURKIDA ee dalal hore maxaa laga dhaxlay!
Ankara, waxay horey u faragalisay 5 dal oo Islaam ah oo ay colaado ka jireen, Syria wey ay ku guuleysatay in ay u dhiibto hoggaan iyada leedahay sida Trump qiray, Ciraaq wey kuguuldareystay damaceeda, Sudan colaada Sokeeye ee isku haynta xukunka ayay taageertay dhinaca Cabdufitaal Al Berhuna, $120 Malyan oo Dollar hub ah ayay ku xaartay ciidanka SAF, sida lagu sheegay warbixin ay qortay Washignton Post March 2025-kii, hadafka Ankara ay doonaysay wuxuu gacan ku dhigida dekeda Abu Amama, Macdanta dahabka, naxaasta iyo qalinka, Diyaarado dagaal oo lacagta laga qaaday gacan 3aad oo Carbeed & qaar Dahab lagu bedeshay ayayna ku taageertay dhinaca ciidanka SAF, laakiin taas ma dhalin natiijo wanaagsan oo guul ah, Ankara waxay qeyb kanoqotay dagaalka Sokeeye.
Liibiya xukunkii Tripoli oo qarka u saarnaa in ay ciidanka Jen, Khalifa Xaftar qabsadaan ayay Ankara dhexda u gashay, inkasta oo ay ku guuleysatay in lajoojiyo gulufkii Xaftar oo ay taageereysay Masar,haddana Tripoli waxay Ankara ka saxiixatay Heshiisyo waa weyn oo kheyraadka dalkaas lagu qaadanayo, kaas ugu dambeyntii keenay in ay hadda Turkidu bilaabaan in ay Libya oo 2 dhinac u qeybsan “Bangazi & Tripoli” midba gaar ula macaamilan, tan oo ka dhigan in danaha Ankara ay sidaas go`aamiyeen.
Koonfurta Soomaaliya, magac gargaar aadanaha laga dhexsameeyey Turkidu ku dhexgaleen ilaa laga soo gaaray saxiixii Is afgaradkii SL & Itoobiya, waxaa dhacday xayn wareeg ku yimi si kasta oo danaha Ankara ay horey qarsoodi ugu ahaayeen, Bishii Feb Turkigu waxay heleen fursad mar la arag ahayd, BFS ayaana 21kii bishaas u codeeyey heshiis lagu sheegay bilowga difaaca Badda, oo aysan habayaraatee arkin, laakiin aakhirkii noqday faa’iido weyn oo ay Turkiga si fudud u heleen, 7 bishii 3aad ee isla sannadkaas 65 maalmood markii ay kasoo wareegtay saxiixii MOU-ga, Erdogan wuxuu HSM ka saxiixday aag laga dhisayo saldhig gantaalada guuxooda ka dheereeya oo biyaha Soomaaliya lagu tijaabinayo, Heshiis lagula wareegayo kheyraadka dabiiciga ee dihin, Kalluunka, Garoomada, Dekedaha, Shirkado gaar ah, Macdan iyo kheyraad aan lahubin intaba Turkidu ma dhaafin marka laga hadlyoh koonfurta Soomaaliya…Waa faa`iido hal dhinacle ah!
Maxay Ankara heshiisyadan ugu beddelaysaa oo siinaysaa HSM?
Su’aashan oo uu bandhignay tiro ka badan 10 kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheikh oo ay kujiraan wasiirada ku dhow-dhow & dad la socda galka Turkida ayaa isku raacsan in ay Ankara dadaal badan galinayso sidii uu xukunka Soomaaliya u sii haysan lahaa Xasan Sheikh Maxamuud, iyadoo qaadaysa talaabooyin ay ku dhiirigalinayso is muujinta awooddiisa, ayna ku kabayso guuxa cabsigalinta diyaaradaha dagaalka ilaa qalab milateri oo aan la aqoonin sida uu waaqaca waxgal uga noqonayo.
Sida laga soo arkay Liibiya & Sudanba waa lagu guuldareystay in awood milateri lagu maquuniyo dhinacyada ay Turkidu diidanayeen, sidoo kale dhexgalka galalka waa weyn oo ay ku jiraan dalal is eryanaya ayaa Soomaaliya ka ah kuwa hortabin leh, kooxda kudhow Turkida ee Soomaalida ah ayaa ku doodaya in ay awood u leeyihiin in ay qabsadaan Koonfurta dalka, kaligoodna ku amar-taagleeyaan laakiin sheegashada waxaa diidan waaqaca ka muuqata Koonfur Galbeed, Duleedka saldhigyada turkida ee Wargaadhi & Carbiska Muqdisho oo ay sadexdaba ka muuqaan ficilo kuwa Turkida & doonisa madaxweynaha beebinaya.
Sadex jeer in ka badan ayay todobaadyadi lasoo dhaafay la tabiyey xogo amni oo sheegaya in la beegsanayo goobaha laga dhisayo Saldhiga gantaalaha ee Shabeelaha Dhexe, is qabadsiinta in xukunka Villada lagu hayn karro Xasan Sheikh oo aan heshiis siyaasadeed haysan & cabsida amni waa is weydiin aan ilaa maanta dhinaca Villadda jawaab u hayni.
MAXAA XAQIIQ AH!
Mid la hubo waa In Turkidu ay dheef khasaare ka joogi doonaan isku day kasta oo ay ku doonayaan in ay ku cayilayaan madaxweyne mudo dhaaf ah, laakiin mid kale oo kasii daran waa in mucaaradka Kursiga ku haysta HSM ay dhammaantood wadaay, xaliif ama saaxiib muhiim u arkaan Turkiga oo si buuxda u garabsiinaysa Hoggaamiyaha ay kursiga ku haystaan, 16kii May ee sannadkan, amin ay Mucaaradka Muqdisho sheegayaan in madaxweynaha waqtigii ka dhacay oo ay u aqoonsadeen madaxweyne hore, Safiirka Turkiga ee Muqdisho ayaa sawirkan la galay, isagoo jawaab uga dhigaya in dooda mucaaradka ay tahay mid jaban, laakiin amakaaga siyaasadeed ee la arkay waa isla mucaaradkan ay Turkidu u jawaabayeen ay ogolaadeen maalmo ka dib u yeerid loogu sameeyey Ankara looguna sheegay in ay Sirdoonka MIT dhexdhexaadin usameynayaan iyaga & Xasan Sheikh, tan waxaa si cad u diiday PL & JL oo ku sifeeyey daraf isku mowqif in aysan dhex-dhexaadin udirsaneyn.
UGU DAMBEN: waa xaqiiq Turkidu wey sii haysan doonaan dekeda, garoonka Muqdisho ilaa saldhigyo milateri oo lagu daray kheyraadka koonfurta dalka, sidoo kalena diyaarado Drone ilaa kuwa gantaalo waa weyn xambaara, saanad milateri waa siin karaan Xasan Sheikh Maxamuud, laakiin uma gadi karaan sharciyada madaxtinimo kaamil ah, xataa is caleema-saar waa aqoonsan karaan, laakiin kama dhigna in ay dalka u wada qaban karaan ama xataa ugu yaraan kooxaha Argagixiso ka durjin karaan deegaanka Carbiska ee xayndaabka caasumada.