Xaafiiskii siyaasadda QM ee Soomaaliya oo maanta u dambeyso
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA) - Xaafiiska Siyaasadda QM ee Soomaaliya UNTMIS, waxaana dhammaan la saaray shaqaalaha ajaaniibta ah, iyadoo horey loo fasaxay shaqaalihii Soomaalida ahaa, dhammaan geedi socodka QM ee siyaasadda ayaa maanta u dambeysaa 31 October.
Tani, waxay Soomaaliya uga dhigan tahay in loo kala dhex-baxay oo ay kuqasban tahay in ay dhexdeeda is xaliso, saacadihii u dambeeyey Boqolaal kamid ah ciidamada Midowga Afrika, gaar ahaana Uganda ayaa bilaabay in ay ka baxaan Koonfurta Soomaaliya, iyadoo si qarsoodi ah loo saaray.
In ka badan 4 goobood oo kuyaala Shabeelaha Hoose ayay baneyn doonaa 5ta maalin ee nagu soo wajahan ciidamada Uganda, waxayna tani qeyb katahay qorshaha dhimitaanka howlgalka ciidamada Midowga Afrika, iyadoo Uganda ay tahay dalka ugu ciidanka badan, haddii ay talaabadas qaadana waxay kadhigan tahay firaaq amni oo imaan doona.
Mareykanka ayaa bilowgii sannadkan si cad u sheegay in aysan bixin doonin aduun lacageed oo dhan $500Malyan oo Dollar oo lasiin jiray howlgalka Midowga Afrika, lana marin jiray Hay'adda UNSOS, waxaana la go`aamiyey in meesha laga saaro oo la xiro, iyadoo hadda la siiyey sannad daad-gureyn ah oo ku e'eg December 2027-ka.
Balaayiin Dollar ayaa dunidu ku bixisay howlgalka QM ee Soomaaliya, waxayna hadda tani ka dhigan tahay fashil weyn oo dhinaca amniga ah in uu imaan karro, xili ay dowladda Faderaalka sheegayso in ay ku tiirsan tahay gurmadka Turkida.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.