Skip to main content

Soomaaliya/Breaking

Xaaladda Amniga: Khilaaf Ka dhex jra Xasan Sheekh iyo Saraakiisha Amniga

MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Sida ay Gaylan Media u sheegeen ilowareedyo dhinaca amniga ah oo xilkas ah, madaxweyne Xasan Sheikh iyo saraakiisha ciidamada amniga ayaa isku aragti ka noqon la'a wali xaalka dib loogu wajihi karro deegaanka Leego ilaa Buurhakaba oo ay dhawaan dagaal culus ka dhaceen.

Senior Desk·17 hours ago·3 daqiiqo akhrin8820
Xaaladda Amniga: Khilaaf Ka dhex jra Xasan Sheekh iyo Saraakiisha Amniga
Hadda, waxaa bilowday doodo amni oo la xariira in aan la gali karin Buurhakaba ee ay tahay in loo wareejiyo colalkii kasoo haray dagaalkii Leego, dhinaca Baraawe, Shalanbood, Sabiib & Caanoole, goobahaas oo muhiimad weyn ugu fadhiya amniga caasumada. Saraakiisha amniga ayaa soo jeediyey in waqti dheeraad ah loo baahan yahay, jidadkii muhiimka ahaa ee laamiga la gooyey, cimiladuna 105KM aysan aheyn mid lagu dagaalami karro, xaaladduna ka duwan tahay sidii horey loo qiimeeyey, 22kii bishii October amarka dagaalka ee laga qoray Taliska ciidanka xoogga dalka waxaa lagu sheegay tirada kooxaha Argagixiso ee aagaas 600 oo dagaalame, hayeeshee hadda taas beenowday. Sida ka muuqata cadeymo ay heshay Gaylan Media oo laga qoray Xoogga dalka, ayaa lagu sheegay in ay adag tahay in durba deg deg loo galo howlgal kale, iyadoo xaaladda Baraawe oo muhiim ah ay soo korortay, taas oo ay saraakiisha amnigu sheegayaan in waqti lagaliyo. Baraawe, waa magaalo ka furan Badda iyo cirka uun, iyadoo bishii March 2026ka markii ay qabsatay dowladda Faderaalka, ciidankii Laftagareen ee joogay ay doonyo ku baxsadeen kana cid-galeen magaalada Kismaayo.
Wadaag: Twitter Facebook LinkedIn

Faallooyinka (0)

Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.