Xasan Sheikh oo doonaya in uu mucaaradkiisa siro maku guuleysan doonaa?
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkii u dambeeyay dadaallo xiriir iyo wada-hadal ah la sameynayay xubno ka tirsan mucaaradka oo ay isku beel kasoo jeedaan iyo siyaasiyiinta aan si cad uga hor imaan qorshaha Madaxtooyada, iyadoo la doonayo in la abuuro jawi muujinaya in wadatashi siyaasadeed uu socdo, ahna dabino kooxahan loo dhigayo.
Ilowareedyo xog-ogaal ah ayaa u sheegay Gaylan Media in Villa Somalia ay dadaalladan ku doonayso inay hesho taageero siyaasadeed iyo aqbalaad ku saabsan ajandaha dowladda, iyadoo isla waqtigaas la dardargelinayo qorshaha doorashooyinka heer federaal, kaas oo toddobaadkan laga bilaabay diiwaangelinta ururrada siyaasadda.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale isku dayay inuu telefoon kula xiriiro madaxda Puntland iyo Jubaland oo ay dowladda federaalku isku hayaan arrimo siyaasadeed, hase yeeshee dadaalladaasi ma aysan miro dhalin. Ilo ku dhow labada maamul ayaa sheegaya inay ka shaki qabaan ujeeddada gogosha Villa Somalia, ayna u arkaan mid aan wax natiijo siyaasadeed ah keenayn.
Dhanka kale, wakiillo ka socda Madaxtooyada ayaa la sheegay inay saddex xubnood oo mucaaradka ka tirsan, kuwaas oo Muqdisho ku sugan, u gudbiyeen digniin ku saabsan qorshe siyaasadeed oo ay ku tilmaameen dabin. Sida xogahaasi sheegayaan, waxaa laga cabsi qabaa in la abuuro hannaan siyaasadeed oo horseeda isbeddel dowladeed oo la mid ah kii dhammaadkii dowladdii Cabdiqaasim Salaad Xasan, iyadoo la dhisayo dowlad cusub oo uu hoggaamiyo shaqsi ay saami-qaybsiga siyaasadeed wadaagaan Xasan Sheikh.
Arrintan ayaa timid iyadoo Madasha Samatabixinta ay hore u sheegtay inay Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelatay kulammo iyo ballamo siyaasadeed oo dhowr ah, balse aan laga gaarin natiijo la taaban karo.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan sheegay in mucaaradku aysan lahayn awoodda talo-go'aamineed ee dowladda, balse ay xaq u leeyihiin inay aragtiyahooda dhiibtaan.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.