XOG GAAR AH: MW Xasan Sheikh oo amar kale oo dagaal baxshay & qorshaha cusub.
MUQDISHO(GAYLAN-MEDIA)- Ka dib jabkii ka dhashay howlgalkii Banooda ee 22kii bishii October uu madaxweyne Xasan Sheikh amray in laga qaado labo dhinac, laguna wajaho Buurhakaba ilaa Daynuunay oo ay kaqeybqaadanayeen in ka badan 3kun oo ka tirsan ciidamada dowladda Faderaalka, hadda markale waxaa soo baxaya abaabul kale oo hor leh, iyadoo madaxweynuhu si weyn u dhibsanayo in deegaankaas looga adkaado.
Ilowareedyo wargal ah ayaa u sheegay Gaylan Media in madaxweyne Xasan Sheikh, saacado ka hor, ku wargeliyey madaxweynaha Koonfur-Galbeed Aaden Madoobe isku diyaarinaya mowjado kale oo weerar ah, taas oo xoogga amniga ee DFS kuna sugan Baydhabo ay ka baxayaan halkaas iyagoo wajahaya Aaga Burjeed oo ah duleedka Muqdisho oo ay dowladda Federaalka sheegtayso in ay joogaan xoogga Laftagareen iyo ciidamo ay ku sheegtay Al-Shabaab.
Sida muuqata howlgalkii ka socon waayey dhinaca Leego ayay dowladdu doonaysaa in ay xooga saarto dhinaca Baydhabo, iyadoo madaxa 2aad hadda la dhaqaajinayo, waxaa ka qeybgalaya colal katirsan Ururada 171aad, 104 iyo 106aad, waajibaadka ayaana ah in ay isku furaan wadada Baydhabo ilaa Daynuuunay, gaar ahaana agga Burjeed ayay ka dhiganayaan wajiga 1aad.
Colalkan, waxaa hogaamin doonaa G/le Cabdulle Isaaq Ibraahim oo ah Taliyaha guutada 10aad, Halka kuxigeen u yahay G/le Xuseen Salaad Ibraahim “Moolif oo ah taliyaha guutada 17aad qeybta 1aad ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo todobaadkii hore dhaqaaqi waayay, lagana qabsaday gaadiid ay kamid yihiin Cagaftii ciidanka difaacyada kusameysan lahaayeen.
Warar sugan ayaa xaqiijinaya in taliska ciidanka ay wali cadaadis ba`an ka saaran yahay dhanka madaxweynaha, iyadoo lagu qasbayo saraakiisha in ay weerar kale kulaabtaan Jameeco ilaa Burjeed oo ay isku mar bilaaban, iyadoo aan la aqoonin wax uga duwan yahay kii horey ciidanka dowladda khasaaraha uga soo gaaray.
Saraakiisha qaarkood oo la hadlay Gaylan Media ayaa yabaal ka muujiyey natiijada laga dhaxlayo howlgalo aan laheyn isku dubarid dhameystiran, qaarkoodna waxay sheegeen in wali ay furan yihiin galal la xariira sida dagaalkan loo maareynayo, kaas oo ay sheegayaan in Istaraajiyad shibil ah ay hagayso ciidamada xoogga dalka ee lagaliyey dagaaladii u dambeeyey.
Faallooyinka (0)
Soo gal si aad uga qaybqaadato wadahadalka.